Kismaayo oo Markale ay ka bilaabatay Dhoofintii Dhuxusha iyo Garoonka Axmed Gureey oo Maanta dib u howl galay
Waxaa Maanta ka bilowday magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose dhoofinta dhuxusha oo mudo dhow rbilood ah hakad ku jirtay ka dib Markii Maamulka KMG ee kismaayo ay mamnuuceen in Kismaayo laga dhoofiyo dhuxusha.
Ragii ka Dambeeyay Dilkii Shaekh Cabdulqaadir Gacameey oo Maanta lagu xukumay Dil Toogasho ah..........
Maxkamada darajada 1 ee Puntland ee Gobolada Nugaal,mudug,Sool,iyo Ceyn ayaa Manata ku riday 7 eedeysane oo lagu eedeynayo inay ka dambeeyeen Dilkii Sheekh Cumar Gacamey oo 15kii febraayo 2013 lagu dilay Masaajid ku yaala Garoowe.
Dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Lew Booliska Itoobiya iyo xarakada alshabaab oo ka dhacay Tuulooyin u dhow Baladweyne.........
Sida uu Voa u Xaqiijiyay Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amaanka iyo Siyaasada ee Gobolka Hiiraan Maxamed cabdulaahi Cumar waxa uu sheegay in Ciidmada Dhuumaaleysiga ku jira ee Xarakada alshabaab ay dilla qorsheysan ka fuliyeen Tuulooyinka Dudumo qaris iyo saba xume kuna dileen 5 qof oo raiyd ah,sidoo kalena ay tuulada Fara libaax ka qafaasheen dad Xoolo dhaqato ah.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur'Tarsan' ayaa daboolka ka qaaday inaysan marna ogolaaneyn in isbaaro la soo dhigo wadoooyinka,waxana uu ka digay Arintaasi xili isbaarooyinku isa soo tarayaan
Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliland' 13 gobol oo isagu jira Kuwa la aqoonsan yahay iyo kuwa aan la aqoonsaneyn ayaa ka qeybgali doona Ciyaaraha Gobolada Soomaaliland 2juun 2013ka.........
Wasiirka Ciyaaraha dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliland Cali i Saciid Reygal ayaa Daboolka qaaday in 2 juun 2013ka si rasmi ah uu uga Furmi doono Xarunta Soomaaliland ee Hargeysa Tartankii Ciyaaraha Gobolada Soomaaliland,waxaana uu xusay in la diyaariyay dhamaan
Alshabaab oo Nin Sarifle ah ka Afduubatay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo
Saraifle ka mida Sarifleyaasha Degmada bardheere ee Gobolka Gedo laguna magacaaabo Cali Shaale ayaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan Xarakada alshabaab ay ka afduubteenMaqaaxi ku Taala Baardheere.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Gaaray Degmada Ceelbuur xili Xiisad Siyaasadeed ay kala dhaxeyso Amiirka Alshabaab Axmed cabdi Godane....
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mida saraakiisha xarakada Alshabaab iyo xubo la socda ayaa gaaray Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud oo ka mida Deegaanada fariisamaha waaweyn ay ku leeyihin Xarakada Alshabaab.
Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya oo ugu yeertay si deg deg ah inay muqdisho ku soo xaroodaan dhamaan safiirada Soomaaliya u jooga Dunida.
Raisulwasaare ku xigeen ahna wasiirka Arimaha Dibada Marwo Fowsiyo Yuusuf Aadan Qabile aya hadal ay soo daaratayw axa ay kuw argalisya Safiirada Soomalaiya u joga Dibada inay dhamantood soo galaan Gudahaiyadoo ku Dardara warisay safiirkii Baaqaasi dhagaha ka fureysta inuuw aayi doono xilka safiirnimo ee uu Soomaaliya wakiilka uga yahay wadan ka mida Caalamka.
Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Maanta Doortay Gudoomiye cusub ka dib Markii ka hore la dilay Gudoomiyahoodii..........
Kulan ay Maanta baladweyne ku yeesheen odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa wxa ay guudoomiye u doorteen nabadoon Xasan Kulmiye Waasuge,ka dib Markii kal hore lagu dilay Gudaha Baladweyne Gudoomiyihii odayaasha dhaqanka Gobolkaasi Marxuum Sheekh Maxamed xaaji Xuseen'Maracade' kaasoo ninkii dilay oo ka tirsanaa Alshabaab lagu xukumay Dil Toogasho ah bilihii la soo dhaafay.
Gaari ay la socdeen ciidanka Itoobiya oo Saaka Qarax Lagula eegtay Gudaha Baladweyne
Gaari ka mida Kuwa Dagaalka oo ay wataan Ciidanka Itoobiya ayaa Saaa qaraxMiino lagula eegtay Xaafada Irid aamin ee Baladweyne,waxaana la sheegay in Qaraxaasi uu dhiaato isagu jira dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay Askartii Itoobiyaanka aheyd ee Gaarigaasi la socday.