Nagala soo Xiriir



Latest Media
Warka-23-05-2013
[24-05-2013 03:12]
Warka-22-05-2013
[23-05-2013 00:18]
Warka-21-05-2013
[22-05-2013 04:38]
Warka-20-05-2013
[21-05-2013 03:04]
Warka-19-05-2013
[20-05-2013 00:28]
Warka-18-05-2013
[18-05-2013 23:03]
Warka-16-05-2013
[17-05-2013 03:04]
Warka-15-05-2013
[16-05-2013 02:53]
Warka-14-05-2013
[15-05-2013 01:21]
Warka-13-05-2013
[14-05-2013 02:35]

Ku Raadso waxaad Rabto

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maanta ansixiyay Miisaaniyada 2013.islamarkaana soo dhaweeyay Qaadista Isbaarooyinka.
WARARKA CAALAMKA
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maanta ansixiyay Miisaaniyada 2013.islamarkaana soo dhaweeyay Qaadista Isbaarooyinka.

Golaha Wasiirada Dowlada Soomaaliya ayaa Maanta kulan ay yeesheen isku raacay Miisaaniyada Sanadka 2013,soona dhaweeyay qadista Isbaarooyinka,sidoo kalena kas doodayw axa laga yeelayo Hantida maguurtada ah ee Safaaradaha Magaalooyinka Roma iyo New York ay ku leedahay Soomaaliya,waxaana Fadhiagan shir Gudoominayay Raisulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon' Saacid'.



Golaha wasiirada ayaa aad u soo dhaweeyey qaadida isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda iyadoo gaadiidka looga qaadi jiray lacag lagu qiyaasay 30,000 doolar oo sharci darro ah maalin kasta, taas oo maanta sababtay in ay qiimo dhimis sameeyaan gaadiidka ka shaqeeya magaalada muqdisho iyo gobolada dalkuba.

Ugu horrayntii Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta, Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, ayaa golaha u soo gudbiyey Miisaaniyadda Sanadka 2013ka, taas oo aad uga badan Miisaaniyaddii ka horaysay ee sanadkan aan ku jirno ee 2012ka. Wasiirka ayaa sheegay in Miisaaniyadda uu soo gudbiyey 75% ka imaan doonto dakhliga gudaha dalka ka soo geli doona dawladda. Ugu dambeyntiina markii la isla eegay, waxaa golaha wasiiradu ah ku ansixiyeen Miisaaniyada cod aqlabiyad ah, iyadoo la hor gayn doonaa Golaha Baarlamaanka.

Waxaa kale oo Golaha Wasiirradu isku raacay in la joojiyo lacagaha qaababka kala duwan loogu qaado Dekedda Muqdisho, iyadoo lacagta keliya ee la oggol yahay in Dekedda Dhexdeeda lagu qaadaa ay tahay Cashuurta Dawladda Dhexe.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday sidii laga yeeli lahaa Hantida ma guurtada ah ee safaaradaha Soomaaliya ku leedahay Roma iyo New York, iyadoo maalmahaan ay soo baxayeen warar sheegaya in dad ajaanib ah laga kireeyey dhismayaasha safaaradahaasi. Dooddii golaha ka dib, waxa la go’aamiyey in la magacaabo guddi Wasiirro ah oo ka soo baaraan dega arrintaasi. Guddiga waxa hoggaamin doona Ra’iisal Wasaare Kun Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fawsiya Xaaji Aadan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane: Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa sheegay in dowladda cusub siyaasadeedu tahay iney adeegyada dowladda gaarsiiso gobolada dalka, madaxda dowladuna booqan doonaan goboladaas. Wuxuuna amaan u jeediyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Kismaayo oo maalintii shalay ahayd ka hortagay gawaari laga soo buuxshay waxyaalaha qaraxa oo la damacsanaa in lagu waxyeeleeyo shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo saxaafada la hadlay ayaa aad ugu amaanay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed sida geesinimadu ku dheehan tahay oo ay uga qaadeen isbaarooyinkii dhex yaalay magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare “Saacid” wuxuu baaq nabadeed u diray beelihii ku dagaalamay Gobolka Galgaduud, waxana uu tacsi u diray qoysaskii iyo qaraabadii ay dadku uga geeriyoodeen dagaaladaas, isagoo sheegay in Xukuumaddu u dirayso gudi wasiirro ah si waan-waan iyo xal waara looga gaaro colaaddaas.
kulankaan ayaa ah kii ugu Horeeyay ee golaha wasiirada ay isagu yimaadaan Maalin Isniin ah waxaan caadiyan kulankoodu uu dhacaa Maalinta Khamiista
Tafatiraha on December 03 2012
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Random Media
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.