Nagala soo Xiriir



Latest Media
Warka-18-06-2013
[19-06-2013 01:30]
Warka-17-06-2013
[18-06-2013 06:51]
Warka-16-06-2013
[16-06-2013 23:43]
Warka-15-06-2013
[16-06-2013 00:23]
Warka-14-06-2013
[14-06-2013 23:02]
Warka-13-06-2013
[14-06-2013 02:21]
Warka-12-06-2013
[13-06-2013 02:05]
Warka-11-06-2013
[12-06-2013 00:39]
Warka-10-06-2013
[11-06-2013 03:16]
Warka-09-06-2013
[10-06-2013 02:10]

Ku Raadso waxaad Rabto

Madaafiic Xalay Lagu Garaacay Villa Somalia.
Madaafiic Xalay Lagu Garaacay Villa Somalia.
Ku dhawaad shan madaafac ayaa saqdii dhexe ee xalay lagu garaacay Xaafado ka tirsan degmooyinka wardhiigley iyo Boondheere oo ku dhaw Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Mid kamid ah madaafiicdaasi ayaa ku dhacay guri ay deganyihiin dad shacab ah kaasoo ku yaalla degmada Boondheere waxaana ku dhintay saddex qof halka ay ku dhaawacmeen afar kale.

Sidoo kale madfac kale ayaa ku dhacay guri kale oo ku yaala degmada Wardhiigley waxaana dhaawac uu kasoo gaaray saddex qof oo ay ku jiraan caruur aad u da’ yar.

Ma jirto illaa iyo xilligaan cid sheegatay masuuliyadda madaafiicdaasi lagu waxyeeleeyay dadka rayidka ah.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay bilaabay howlgallo lagu barayo dadkii ka dambeeyay madaafiicdaas oo sida loo badinayo ujeedkoodu ahaa in lagu garaaco Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia inkastoo aaney jirin wax madfac ah oo ku dhacay gudaha Madaxtooyada sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Ilaalada Villa Somalia
Tafatiraha on December 05 2012
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Random Media
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.