 Sida dad goob joogayaal ah ay saxaafada u sheegeen waxaa qabashada ninkani isqarxin rabay ay ka dambeysay baaritaan ciidamada dowladda ay habeenkii xalay ahaa ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Saraakiil u hadlay maamulka Kismaayo ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan rag kale oo la tuhunsanyahay oo iyana loo qabtay falalkii amni xumo ee maalmihii dambe ka dhacayay magaala xeebeedka Kismaayo.
Afhayeenka ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobollada Jubooyinka C/naasir Seeraar Maax, ayaa sheegay in qabashada ninkan ay fududeeyeen xubno horey uga soo goostay kooxda la wiiqay ee xarakada Al-shabaab.
“Waanu hubinay ninkani wuxuu doonayay inuu fuliyo weerar ismiidaamin ah, waxaana qabashadiisa noo fududeeyay rag horey uga soo goostay Al-shabaab oo safkeenna ku soo biiray” sidaasi ayuu warbaahinta u sheegay Mr Seeraar. |