 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay dhigiisa Turkiga Abdallah Gul, iyadoo kulankan uu ahaa kii u horeeyay oo Madaxweynaha la qaato Madaxweynaha dalkaas, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ka mid ah is bedelada iyo horumarada ka jira Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu gaaray qasriga Madaxtooyada ayaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamada qalabka sida, iyadoo halkaas uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Turkiga Abdallah Gul.
Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah uga hadlay siyaasada iyo ammaanka, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyay Turkiga taageerada hagar la'aaneed ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u kicitimi doona magaalada Istanbul, si uu halkaas ula kulmo Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan |