 Gudoomiyaha Xarakada Alshaabab ee Gobolka Hiiraan sheekh Yuusuf Cali Ugaas oo ka hadlayaya Degmada Buulo burde ee Gobolkaasia ayaa sheegay in Haweenku ay markaana ka qeybagtalaayan dagaalada oo raga kaliay aysan ku koobnaan doonin.
sheekh Yuusuf waxa uu xusay inay diyaariyeen Haween isbiimeynaya isla markaana diyaar u ah in ay naftooda u huraan ka difaacida Cadowga Alle.
'waxaan diyaarinay haweeen u diyaara inay is qarxiyaan'ayuu yiri sheekh Yuusuf oo intaasi raaciyay in Talaaabadaan ay Alshabaab markaana qaadi doontoi Maadaama Culuys weyn uu ka soo koray dhinaca Ciidaqmada Dowlada iyo kuwa Amisom oo deegaano fara badan ka soo saaray. |