 Mr Idiris Cabdi oo ah Madaxa Heyadda FAO ee Gobolada Bay iyo Bakool ayaa Xalay laga afduubtay Gurigiisa oo ku Yaala Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Sarkaalka auyaa la sheegay inay ka afduubteen Gurigiisa Rag Hubeysan kuwaasoo aan la garan Halka ay Jaan iyo Cirib ula dhaqaaqeen..
Ciidamada Dowlada Soomalaiya oo saka soo buux dhaafiyay Halka uu ku Yaalay Guriga Sarkaalka Madaxda ka ahaa FAO ee Gobolada Bay iyo Bakool Idiris Cabdi ayaa waxa ay bilaabeen Baaritaano xoogan oo ay ku doonayaan inay beegsadaan Halka lala aaday walina Gacanta laguma soo dhigin Sarkaalkaan Xalay laga afduubtay Gudaha Baydhabo. |