Nagala soo Xiriir



Latest Media
Warka-22-05-2013
[23-05-2013 00:18]
Warka-21-05-2013
[22-05-2013 04:38]
Warka-20-05-2013
[21-05-2013 03:04]
Warka-19-05-2013
[20-05-2013 00:28]
Warka-18-05-2013
[18-05-2013 23:03]
Warka-16-05-2013
[17-05-2013 03:04]
Warka-15-05-2013
[16-05-2013 02:53]
Warka-14-05-2013
[15-05-2013 01:21]
Warka-13-05-2013
[14-05-2013 02:35]
Warka-12-05-2013
[13-05-2013 02:36]

Ku Raadso waxaad Rabto

Maamul Goboleedka Puntland oo War Saxaafadeed ka soo saaray Dagaal ay Alshabaab kula galeen Buuraha Galgala ee u dhow Boosaaso
Maamul Goboleedka Puntland oo War Saxaafadeed ka soo saaray Dagaal ay Alshabaab kula galeen Buuraha Galgala ee u dhow Boosaaso
Ciidamada Dowladda Puntland ayaa iska caabiyey weerar ay xalay ku soo qaadeen kooxda argagaxisada Al Shabaab agagaarka buuraleyda Galgala.

Xalay abaare 11:00 habeenimo ayaa koox hubaysan oo ka tirsan argagaxisada Al Shabaab soo weerareen Ciidamada Difaaca Puntland oo ku sugan agagaarka Buuraleyda Galgala. Kooxda Al Shabaab oo dhowr jiho weerarkaasi kasoo qaaday ayaa Ciidamada Puntland ku guleysteen in ay jabiyaan weerarkooda.

Ugu yaraan 7 Al Shabaab ah ayaa lagu dilay weerarkaas, hubkoodina laga qabsaday, waxayna kooxda Al Shabaab-na dib ula carareen 12-dhaawac ah.

Labo askari oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland ayaa ku shahiidey weerarkaasi, Ciidamada Puntland ayaa ku raad jooga wixii ka haray argagaxisadii weerarka soo qaaday.

Miino jidka la dhigay oo aan xiriir la lahayn weerarkii hubaysnaa ayaa ku qaraxday baabuur siday Ciidamada Puntland, qaraxaasi ayaa sababay khasaare soo gaaray 10-askari oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba.

Puntland waxay aaminsantahay kooxo leh ujeedooyin siyaasadeed gudaha Soomaaliya inay tageero buuxda siiyaan argagaxisada Al Shabaab oo dagaalka kula jira Dowladda Puntland.

— DHAMAAD —
Tafatiraha on December 06 2012
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Random Media
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.