Nagala soo Xiriir



Latest Media
Warka-18-06-2013
[19-06-2013 01:30]
Warka-17-06-2013
[18-06-2013 06:51]
Warka-16-06-2013
[16-06-2013 23:43]
Warka-15-06-2013
[16-06-2013 00:23]
Warka-14-06-2013
[14-06-2013 23:02]
Warka-13-06-2013
[14-06-2013 02:21]
Warka-12-06-2013
[13-06-2013 02:05]
Warka-11-06-2013
[12-06-2013 00:39]
Warka-10-06-2013
[11-06-2013 03:16]
Warka-09-06-2013
[10-06-2013 02:10]

Ku Raadso waxaad Rabto

Ciidamada Amaanka Soomaaliland oo Magaalada Boorame ka qabtay Gabadh Soomaali Mareykan ah oo la sheegay inay Xilsare ka heyso Alshabaab
Ciidamada Amaanka Soomaaliland  oo Magaalada Boorame   ka qabtay Gabadh Soomaali Mareykan ah oo la sheegay inay Xilsare ka heyso  Alshabaab
Ciidamadda amaanka ayaa la sheegay in hawl-gal ay habeen hore ka sameeyeen guri ku yaala Magaaladda Boorama ay ku soo qabteen Gabadh Maraykan Somali ah oo Al-shabaab xil sare ka haysa oo loo soo jaray Waaran Caalami ah, taasoo ay wehelinayeen sadex ruux oo laba dumar yihiin, kuwaasi oo la sheegay in ciidanka qabtay u soo qaadeen dhanka Magaaladda Hargeysa.

Ciidamadda hawl-gal sameeyay oo ahaa kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano RRU-da, ayaa hawl-galka ay ka sameeyeen Borama lagu sheegay inuu ahaa mid kedis ah oo ku koobnaa guriga ay ka soo qabteen 3-da haweenka ah iyo qofka afraad oo ahaa wiil dhalinyaro ah, kuwaasi oo guri kaliya laga soo wada qabtay.

Dadkan la xidhay oo aan ilaa hada la ogeyn sababta xadhigooda, ayaa waxa gurigii laga soo qabtay shalay booqday Wariyaha Waaheen ee Magaaladda Borama, waxaanu halkaasi kula kulmay dhowr haween ah, kuwaasi oo sheegay inay ehel ahaayeen qaar ka mid ah dadka ciidamadda amaanku qabqabteen, waxayna haweenkaasi sheegeen in aanay ogeyn sababta haweenka iyo wiilka dhalinyaradda ah loo xidhay.

Maryan Xaashi Ugaas oo ka mid ah haweenka Wariyuhu la kulmay ayaa sheegtay inay og yihiin oo kaliya in dadkaasi ay ciidamaddu guriga ka qabqabteen abaaro 9:00 fiidnimo ee habeen hore, balse aanay garanayn waxa soo galay ee loo kaxaystay.

Haweenaydani waxay sheegtay inaanu jirin wax dambi ah oo ay ku ogeyd dumarka la xidhay oo ay sheegtay in mid ka mid ah ay Wallaalo yihiin, iyadda oo sidoo kalena sheegtay in dad ehelkeeda ah Hargeysa deggan ay telefoonka ugu sheegeen in dadka Borama laga soo qabtay ay ku xidhan yihiin xarunta Sirdoonka Qaranka ee Hargeysa.

Maryan, waxa kale oo ay Wariyaha u sheegtay in markii dadkan la qabanayey ay ciidamaddu aad u baadheen isla-markaana fatasheen alaabtii guriga taalay, iyadda oo tilmaantay in aanay ilaa hadda garanayn wax ka maqan alaabtaasi iyo wax u yaalla toona.

Dadka Ciidamadda amaanku Borama ka soo qabteen ayaa Magacyaddoodu kala yihiin sidan: Ayaan Xirsi Diiriye, Siraad Cumar Xaashi, Layla Xirsi, gabadh Magaceeda lagu sheegay Nimco oo guriga shaqaale ka ahayd iyo wiil dhalinyaro.

Hawl-galka ciidamadda amaanku ka sameeyeen Borama ee ay ku soo qabteen dadkan oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino Taliyaha qaybta booliska ee Borama ayaanay noo suurto-galin. Hase yeeshee sida ay Ilo wareedyo u dhuun daloola Ciidamadda Amnigu noo xaqiijiyeen waxa dadkaasi la soo qabtay la keenay magaaladda Hargeysa, halkaas oo lagu baadhayo.

Source wargeyska Waaheen
Tafatiraha on December 10 2012
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Random Media
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.