 Wararka ka imaanaya Degmada mahadaay oo ay daraad qabsadeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa amisom ayaa sheegaya in ay ka baxeen.
Degmada mahadaay ayaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay dib ugu soo laabteen Ciidamada alshabaab, waxaana la sheegay in halkaas uusan ka dhicin wax dagaal ah.
Markii ay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom isaga baxeen magaalada ayaa waxaa gudaha usoo galay Kooxdii Al-Shabaab ee markii hore magaalada lagala wareegay kuwaas oo kusugnaa meel aan ka dheereyn magaalada.
Sidoo kale Ciidamada Shabaab ayaa kusugan gudaha magaalada iyagoo ka sameeyay howlgallo la sheegay in ay dad gaar ah ku bartilmaameedsanayaan. |