 Waxaa maanta ka degay Garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho si diirana loogu soo dhaweyay Fanaaniin uu Horkacayay Alfanaan Khaalid Shariif Xasan' King Khaalid' waxana soo qaban qaabisay soo dhaweynta Fanaaniinta uu Horkacayay King Khaalid Heyadda Wadahadalka Bulshada ee CCD o Horay Fanaaniin kale ugu soo dhaweysay Caasimada Muqdisho.
King Khaalid oo la hadlay Saxaafada ayaa shegay in 100% uu k faraxsan Yahy Imaatinka Muqdisho oo 20 sano ka hor ay ug dambeysay waxa uuna ka mahadceliyay sidii diiraneyd ee lo soo dhaweeyay isag iyo Saaxiibadii ku wehisay Safrka oo ay a mid ahayeen Cabdixakin Farayare iyo Xasan Cujeer Cajami.
King Khaalid ayaa sheegay in Fanaaniinta kale loga baahan yahy ina Yimaadaan Dalkoda waxa una xusqay mudad u joogo inay ku qaban doonaan muqdisho bandhig faneed
Horay muqdisho waxa u Yimid Fananainta kala ah Saynab Labo dhagax iyo Cabdi shire Jaamac Jooqle |
on April 18 2013 12:07:31