Nagala soo Xiriir



Latest Media
Warka-24-05-2013
[24-05-2013 22:52]
Warka-23-05-2013
[24-05-2013 03:12]
Warka-22-05-2013
[23-05-2013 00:18]
Warka-21-05-2013
[22-05-2013 04:38]
Warka-20-05-2013
[21-05-2013 03:04]
Warka-19-05-2013
[20-05-2013 00:28]
Warka-18-05-2013
[18-05-2013 23:03]
Warka-16-05-2013
[17-05-2013 03:04]
Warka-15-05-2013
[16-05-2013 02:53]
Warka-14-05-2013
[15-05-2013 01:21]

Ku Raadso waxaad Rabto

Komishanka Doorashooyinka Soomaaliland oo Natiijadii Golaha Deegaanka Hargeysa u Gudbiyay Maxkamada Sare ee Soomaaliland.
Komishanka Doorashooyinka Soomaaliland oo Natiijadii Golaha Deegaanka Hargeysa u Gudbiyay Maxkamada Sare ee Soomaaliland.
Natiijadda Komishanka Doorashooyinka Qaranku shalay ku dhawaaqeen inay u gudbiyeen Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex aya la filayaa inay sahayato laba xildhibaan oo ka soo kala jeeda Rays iyo Dalsan, isla markaana ay saamayn ku yeelan karto Xildhibaan kale oo ku soo baxay Codad ay lahaayeen Musharixiin dhacday oo Faraweyne ka heshay tirooyinkan la laba jibaaray oo kale. Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn kuwa ay yihiin Xildhibaanada Kuraastooda waayaya hadana waxa ay wararka aanu soo ururinay intii murankani jiray ay sheegayaan Khadar Cali Xuseen (Bohosha) oo ka soo jeeda Urur Siyaasadeedka Rays, kaasi oo uu bedeli doono Khaliil Cagayare oo isla Ururkaasi ka tirsan balse Hayb ahaan ay kala durugsan yihiin.


Musharaxa kale ee marka hore Komishanku ku dhawaaqay inuu helay Xildhibaanimada Golaha Deegaanka Hargeysa waa Fu’aad Saxardiid Caabi oo ka sharaxnaa Urur Siyaasadeedka Dalsan, balse sida la filayo inay Komishanku imika ugu gudbiyeen Maxkamadda waxa Kursigiisaas bedelaya Ilyaas Aw Xuseen Jaamac oo noqonaya Musharaxii ugu soo xigay marka laga eego Liiskii uu Komishanku ku dhawaaqay.

Warkan inkasta oo uu Komishanku ka gaabsaday isla mar ahaantaana ku sheegay in ay u wada Gudbiyeen Qoraaladii markii hore ay kala saxeexdeen Ururada iyo Komishanku oo ahaa kuwa aan Kombuyuutarka la gelin, balse ay imika ku doodayaan inay yihiin kuwa Saxda ah iyo kuwii ay ka soo saareen kombuyuutarka ee ah ta ay ku dhawaaqeen oo ay iyana ku Doodayaan inay ka qaldantay markii la gelinayay kombuyuutarka.

Hadana waxa muuqata sida aanu ka helnay Ilo wareedyo u dhuun daloola Axsaabta iyo Ururada Siyaasadda in Komishanku maalintii ay arkeen qaladka ay si gaar ah ugu yeedheen labada Guddoomiye Urur siyaasadeed ee Rays iyo Dalsan, kuwaasoo ay u sheegeen in Musharixiintooda Faraweyne Codadka ka helay ee soo baxay ay qaldan tahay oo laba jeer loo laban laabay Sanduuq kasta inta ay ka heleen.

Hase yeeshee, Kursiga sadexaad ee loo aanaynayo inuu Gu’i karo waxa la filayaa inuu noqon doono mid ka baxa Kuraasta ay Komishanka Doorashooyinku Natiijadii hor-dhaca ahayd ugu dhawaaqeen Xisbiga Kulmiye, kaasoo qaar ka mid ah Musharixiintiisa u soo baxay ay ku soo baxeen tirooyin isku geys geys ah oo ay ka heleen deegaanka Faraweyne, Codadkaas oo ay dhaceen qaar ka mid ah kuwii lahaa.

Is bedelka ku imanaya musharixiinta Ururadaasi ayaan waxba ka bedelayn sida uu sheegay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku tirade Guud ee ay ku soo baxayaan Sadexda Xisbi Qaran ee ugu sareeyaa, maadaama ay labada Urur dhexdooda uun ay tahay, balse waxa is bedelayaa tahay oo kaliya shakhsiyaadka Ururadaasi ku meteli doona Golaha Deegaanka Hargeysa, ka hor inta aanay isku Guur guurin Xildhibaanada Ururadoodu soo baxeen ee noqday Xisbiyo Qaran iyo kuwa ka hadhay saaxadda Siyaasadda Tobanka sano ee soo socda.

Si kasta ha ahaatee, Gudbinta Maxkamadda ay Komishanka Doorashooyinku u gudbiyeen Muranka ka taagan Kuraastaas iyo kala saaristooda ayaa tan iyo markii shalay ay ka soo baxday Af-ka Komishanka Doorashooyinka oo laga filayay inay dib u tiriyaan Codadka Hargeysa sidii ay ku balan qaadeen waxa ay dhalisay Dood taasoo ay dadka qaarkood-na u arkayeen inay tahay talaabo loo baahnaa oo lagaga badbaadi karo halista taagan, qaarkood-na ay u arkayaan inay tahay talaabo qaldan oo mar kale ay Komishanku qaadeen, oo halis galin karta Nafo kale oo u baxa sidii Data-dii Axmed Dhagax ee ay Komishanku yidhaahdeen waa la masaxay ee dib Kombuyuutarka loo galiyay.

Dhinaca kale Maxakamada Gobolka Maroodijeex ee uu Gudoomiyuhu u Gudbiyay Natiijada Muranku ka taagan yahay ayaan la garanayn Goorta ay dacwada galayso iyo Qaabka ay u galayso midna, Maadaama oo Komishanka oo laga cabanayay uu isagii ka hor dhacay Ururadii ay ahayd inay iyagu Maxkamada u dacwoodaan.

Arrimahan isku murugsan ayaa sababi kara in Maxkamadu anay ku degdegin Gudo-galka arrintan, iyada oo ay jiraan Go’aamo is barbar socda oo Komishanku soo saaray, isaga oon ka talo galin Ururada iyo Asxaabta Siyaasada ee ay khusaysay.

Isku soo duuboo wali waxa laalan qaabka iyo Nidaamka loo kala saari doono Xildhibaanada iyo Musharxiinta ay Fooda isku galiyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo leh masuuliyadda marka horeba qaladka keentay, maadaama Musharixiintu ay haysteen Ciodadkii ay tirsadeen balse qaladku ka yimi Natiijaddii ay Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqeen.
Tafatiraha on December 11 2012
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Random Media
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.