 Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo ka mida saraakiisha xarakada Alshabaab ee ku sugan Buuraha galgala ee Gobolka Bari aaya ku Tilmaamay hadal ka soo yeeray madaxaweyanaha Puntlan duuna ku durayay Xarakada Alshabaab Mid xaqiiqda ka Fog waxa uuna xusay in Hadii Faroole diiday in Puntland aan Masaajid laga dhisi karin aysan sii jireyn Madaxtooyada Puntland ee garoowe Dhulakan lala simi doono.
Sheekh Cabdulqadir Muumin waxa uu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu ku Jiro Xaaladii ugu Xumeyd Hoogiisana Faraha u la galay isago Intaasi ku daray in Fircoonba Hoog Xun uu ku dhacay Markii uu joogi waayay Faroolena uu uga digayo inuu ka waantoobo waxyaabaha uu sameynayo.
sarkaalkaan ayey soo xiganeysay Idaacada Andalus ee taageerta xarakada Alshabaab fahdigeeduna Yahay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo |