Nagala soo Xiriir



Latest Media
Warka-24-05-2013
[24-05-2013 22:52]
Warka-23-05-2013
[24-05-2013 03:12]
Warka-22-05-2013
[23-05-2013 00:18]
Warka-21-05-2013
[22-05-2013 04:38]
Warka-20-05-2013
[21-05-2013 03:04]
Warka-19-05-2013
[20-05-2013 00:28]
Warka-18-05-2013
[18-05-2013 23:03]
Warka-16-05-2013
[17-05-2013 03:04]
Warka-15-05-2013
[16-05-2013 02:53]
Warka-14-05-2013
[15-05-2013 01:21]

Ku Raadso waxaad Rabto

Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya oo wada Isbadal maamul Cusub oo ay u sameyneyso Gobolka Banaadir
Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya oo wada Isbadal maamul Cusub oo ay u sameyneyso Gobolka Banaadir
Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Soomaaliya oo dhowaan xilkiisa la wareegay ayaa bilaabay isbedel uu ku sameynayo maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo wax weyn ka bedelan maamuladii horay ay dalka uga sameyn jireen dowladihii dalka soo maray.

Qaabka cusub ee loo sameynayo maamulka Gobolka Banaadir ayay qorsheyneysaa Wasaaradda arrimaha gudaha Dowladda federaalka Soomaaliya in gobolka loo sameynayo afar Guddoomiye degmo, halka markii hore ay ka ahaayeen guddoomiyeyaasha 16-degmo oo uu ka kooban yahay maamulka Gobolka Banaadir.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha oo ka gaabsaday magaciisa ayaa ii sheegay in lagu dhawaaqayo marka ay soo dhammaadaan howlo ka dhiman istiraatijiyada cusub ee ay ku wajahayaan dhismaha maamulka.

Waxaa jira khilaaf isa soo taraya oo ku saabsan sida laga yeelayo in la kala qaado Guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho, arrintaasi oo haatan saaran miiska Madaxweyne Xasan Sheekh isla markaana laga sugayo go'aanka kama dambeysta ah.

Warku wuxuu intaasi raacinayaa in Wasaaradda arrimaha gudaha ay soo jeedisay in maamulka gobolka Banaadir uu ka koobnaado hal Guddoomiye, afar Guddoomiye degmo iyo afar Taliye Saldhig, iyadoona markii hore ay ahayd 16-degmo iyo Guddoomiyeyaashooda iyo 16-Saldhig iyo Taliyeyaashooda.

Dhinaca kale arrimahaan ayaa ku soo beegamaya xilli dhowaan beelaha dega gobolka Banaadir ay ka dalbadeen madaxda Dowladda inaan la kala qaadin marnaba Guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho.
Tafatiraha on December 12 2012
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Random Media
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.