|
|


Ku Raadso waxaad Rabto |
|
|
| Warsaxaafadeed uu soo saaray Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Rays ee Soomaaliland Xasan Gaafaadhi ayuu uga Hadlay natiijadii ka soo baxday Golaha Deegaanka Soomalailand |
War-saxaafadeed uu ka soo saaray Magaaladda Hargeysa ayaa u dhignaa sidan “Waxaan Salaamayaa Dhamaan Shacabka Somaliland ,Waxaan Si Gaara Ugu Mahad Naqayaa Tageerayaasha Ururka Rays Meelkasta Oo Ay joogan, Taageeradii ay na siiyeen. Waxaan Tacsi U dirayaa Eheladii Iyo Qaraabadii Dhalinyaraii Ku Geeryootay Banaan Bixii Magaalada Hargeysa, ay kaga Cabanayeen Khaladaad ku Yimid Codokii Ay Dhiibteen,Waxaan ilaahay Ka baryayaa Inuu Intii Dhimatayna u naxariisto Inta Dhaawaca Ahna Caafimaad Dag-daga Siiyo. Intaas Kadib Doorashadii Ka dhacday Wadanka Sida La wada Ogyahay Waa Mid Guud ahaan Dhalisay Muran Iyo Shaki Fara badan, Koomishanka Qaranku Marnaba Ma buuxin Kaalintii Laga Sugaayay Waxaana Si Cad U Muujijyeen Inaanay Danba Ka lahayn Khaladaadka Iyo Wax Isdaba Marinta Baahsan Ee Ku Suntanayd Maalintii Codbixinta Iyo Maalintii Ka Danbeeysay oo ay Meelaha Qaarkood Codbixintu Ka socotay. Waxaa Gudida Doorashooyinaka Qaranku Natiijadii Hordhaca ahayd e Dagmada Hargaisa Ku Dhawaaqeen Bisha 6deedi,Waxay Bisha 8dedeedi Ku Dhawaaqeen Inay Khalad ahayd Dibna Loo Tirinayo Codadkii iyo Sanaaduuqda Codbixinta Ee Dagmada Hargaisa, Waxay Hadana Bisha 10keedi Ku Dhawaaqeen inay Tirinta codadka Hargaisa dib uga nodeen, intaas ayaa cid walba ku filnayd in gudidii loo xil saaray doorashada horseed ka yahiin masiibadii ka dhalatay doorashdii gacanta ku hayeen taas oo dhalin karta amaan daro mug-leh. Waxaa Xaqiiqo ah Waxaa Hargisa ka dhacay wax aad uga xumi in ay ka dhaceen dhamaan gobalada dalka, in doorashadii si nabadgalya ah ku dhacday layslama diidanayn, marka laga reebo dagmooyinka dilku ka dhacay intaas goob-joogayaashu way sheegeen, laakiin in fool-xumo aad u weyni ay dhacday cidna kamay qarsoonayn isku soo wada duubo doorashadan dil-dilaac weyn ayay dhex-dhigtay shacabka Somaliland, mustaqbalka doorashooyinka hanaanka geedi socodka dimuqraadiyadana si culus ayay u dhawacaysaa, Mawqifka Ururka Rays: Iyada Oo Ay Adagtahay In Lagu Qanco Natiijada Hadana: Markaanu Eegnay Baahida Nabdgalyo Uu Mudan yahay Shacabkayagu Sida Xalaasha Ah u Codeeyay Laakiin La dulmiyay. Markaanu La Tashanay Tageerayaashayadii Aragnayna Inay Ku Weyntahay Wadaniyada, Midnimada Iyo Ilaalinta Qaranimadoodu Waxaaanu go’aansanay Inaanu Aqbalno Natiijada ay Ku dhawaaqdo Maxkamadu Ee Ah Doorashdii La galay 28-11-2012. Waxaanu Soo Jeedinaynaa In Gudida Doorashda Gacanta Ku Haysaa Shuruud La’aan Isku Casisho haday taa garan Waydana Xasaanadda laga qaado. source wargeyska Waaheen Tafatiraha on December 13 2012
|
|
|
0 Comments · 159 Reads
·
· |
|
| Comments |
| No Comments have been Posted. |
| Post Comment |
| Please Login to Post a Comment. |
| Ratings |
|
No Ratings have been Posted.
|










| Arise Theme by Domi 2011 | 2,263,254 unique visits | |
Powered by PHP-Fusion copyright © 2002 - 2013 by Nick Jones. Released as free software without warranties under GNU Affero GPL v3. |
||