 Kolonyo ay Saarnaayeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya aya waxaa u Galay Jidgooyo meel duleedka kismaayo ah Halka loo yaqaan Goobweyn Ciidamada Xarakada Alshabaab waxaana halakasi ka dhacay dagaal la isku adegsaday Hub Xoogan oo geystay qasaarooyin kala duwan
Ciidamada Dowlada ee Jidka loo galay ayaa Sameeyay Iska cabin Xoogan waxaana labadadhinac ay is weydaarsadeen rasaas ka dhacayay qoryaha Waaweyn,lamana xaqiijin karo qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca kala gaaray,walow Dagaalkaan laga maqlay daryankiisa Gudaha Kismaayo maadam uu ka dhacay Duleedkeeda meel u jirta 15 Km.
Dagaalkaan ka dhacay Goobweyn aya la sheegay inay hadagacanta ku hayaan Ciidamada Dowladaka dib Markii ay dib uga laabteen Xoogagii soo weeraray ee xarakada Alshabaab
|