Nagala soo Xiriir



Latest Media
Warka-24-05-2013
[24-05-2013 22:52]
Warka-23-05-2013
[24-05-2013 03:12]
Warka-22-05-2013
[23-05-2013 00:18]
Warka-21-05-2013
[22-05-2013 04:38]
Warka-20-05-2013
[21-05-2013 03:04]
Warka-19-05-2013
[20-05-2013 00:28]
Warka-18-05-2013
[18-05-2013 23:03]
Warka-16-05-2013
[17-05-2013 03:04]
Warka-15-05-2013
[16-05-2013 02:53]
Warka-14-05-2013
[15-05-2013 01:21]

Ku Raadso waxaad Rabto

Rag lagu eedeynayo inay Xiriir la laahyeen Xarakada Alshababoo la soo Tagay Maxkamada Dalka Itoobiya ee Adis Ababa
Rag lagu eedeynayo inay Xiriir la laahyeen Xarakada Alshababoo la soo Tagay Maxkamada Dalka Itoobiya ee Adis Ababa
Maxkmad ku taal dalka Ethiopia, ayaa la soo taagay 10-ruux oo Soomaali ah oo lagu eedeynayo inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya.

Eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay qorsheynayeen weerar argagaxiso oo ay sanadkan cusub ka fulin rabeen magaalada Addis-Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.

Ragga la qabtay waxaa la sheegay inay gaashaanbuur ku leeyihiin wadamada dariska la ah Soomaaliya sida Uganda, Kenya iyo Ethiopia.

Qaadiga maxkamadda sare ee magaalada Addis-Ababa, Bahiru Darecha, ayaa sheegay in ragga la qabtay lagu helay dambi muujinaya inay maleegayeen weerarro argagaxiso oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.

Markii hore waxaa la soo eedeeyay 11-ruux laakiin waxaa dambi lagu waayay mid kamidah uu qaadigu sheegay inuusan xiriir la laheyn kooxda laakiin uu iskala noolaa.

Lix kamid ah tobanka ayaa la sheegay inay ku cadaatay eedda argagaxisanimo halka afarta kale baaritaanno lagu sameyn doono si loo xaqiijiyo xiriirkooda Al-shabaab.

Maxkamadeynta raggan ayaa loo dhigay 15-ka bishan January, ee sanadkan, waxaana lagu wadaa in la soo bandhigo cadeymo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo weerarka argagaxiso.

Dacwada oogayaasha qaarkood ayaa rumeysan in falalkan ay ku lugleeyihiin islaamiyiin ka soo jeedda wadanka Kenya, oo kooxda Al-shabaab ka saacidda qibradaha dagaalka Al-qaacidda.

Ethiopia, ayaa kamid ah wadamada dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab waxaana ciidankeedu ay soo galeen Soomaaliya sanadkii hore iyadoo meelo badan ka qabsatay ururka Al-shabaab.
Tafatiraha on January 02 2013
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Random Media
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.