 Raisulwasaaraha Soomalaiya Cabdi Faarax Shirdoon' Saacid' oo la hadlay Radiyo Muqdisho ayaa sheegay in Fursad ay heystaan Alshabaab hadii ay doonayaan inay qaataan Nabada,isagoo xusay hadii ay diidaana looa deegsan doono ciidamo ka tayo weyn
'waxaan heysnaa Ciidmao ka awood badan kuwa Alshabaab, hadii ay qaadan waayaan nabada Ciidankaasi ayaan u adeegsan doonaa'ayuu yiri Saacid oo intaasi ku daray in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka dhiac dagaalamaya Alshabaab looga baahan yahay inay ka Faaideystaan jaaniska aan u fidinay e nabada isla markaana ay qaataan.
waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka Soomalaiya a Alshabaab ula dagaalami doonaan si ka kulul sidii ay ula dagaalameen Dowladii KMG ee sheekh shariif Sheekh Axmed Hogaaminayay. |