|
|


Ku Raadso waxaad Rabto |
|
|
| Shirkii Odoyaasha Dhaqanka Puntland oo la soo Gaba gabeeyay lagana soo saaray War Murtiyeed |
Suldaan C/salaam Suldaan Maxamud oo ahaa Abaabulaha Shirka ahna Madaxa Xarunta Nabadda Geeska Afrika isagoo halkaas kasoo jeediyey Hadalo qiimo badan oo qeexayay Qiimaha Nabadda iyo Midnimadu leedahay sidoo kale wuxuu ku dheeraaday ujeeddooyinkii Shirka loo qabtay oo ahaa mid ka Madaxbannaan Siyaadda Kuna ekaa dhaqanka oo kali ah. Sidoo kale Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa Gabagabadii Shirka Kalmaddiisa Kajeediyey, wuxuu baaq u diray Maamulka iyo Shacabka Galmudug iyo dhanka Puntlad si la isugu Celiyo dad kasoo kala jeeda maamulaadaasi oo lagu kala heysto magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo. Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud ayaa halkaas ka akhriyey WarMurtiyeedkii kasoo baxay Shirka Dhaqanka Gobolka Mudug ee Puntland. UJEEDO:- BAYAANKII AMA BAAQII KASOO BAXAY GABAGABADA SHIRKA In dhamaan laga wada qayb qaato lagana wadashaqeeyo ilaalinta nabadgalyada gobolka iyo midda guud, In la iska kaashado nolosha iyo hor marka ummadda mida guud iyo mida gobolkaba, In la ilaaliyo dhaqanka wanaagsan ee ku salaysan shareecada Islaamka dhamaana wixii inaga ba’san loo xaliyo si wadajir iyo walaaltinimo ah, Wuxuu shirku ku baaqayaa oo la isla qaatay in shirka lasii wado oo aan la joojin ee kani uu noqdo kii bilowga ahaa inta laga gaarayo yoolkii laga lahaa shirka, Wuxuu shirkani ku baaqayaa in la iska kaashado hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida dhismaha wadada Galdogob – Garacad, Isiimada Shirkaan ka qeybgalay baaqana soo saaray, Ugaas Cali Ugaas Maxamed Islaan Bashiir Islaan Cabdille Ugaas C/qaadir Cilmi Filig Sudaan C/salaam Suldaan Maxamed Suldaan maxamed Jamac Shire Islaan Xassan Cigaal Suldaan Maxamed suldaan Maxamuud Cilmi Calas Suldaan Maxamed Maxamuud Buurtinle Suldaan Cabdi Bile Suldaan C/rishiid Muuse Shire Tafatiraha on January 03 2013
|
|
|
0 Comments · 98 Reads
·
· |
|
| Comments |
| No Comments have been Posted. |
| Post Comment |
| Please Login to Post a Comment. |
| Ratings |
|
No Ratings have been Posted.
|










| Arise Theme by Domi 2011 | 2,261,052 unique visits | |
Powered by PHP-Fusion copyright © 2002 - 2013 by Nick Jones. Released as free software without warranties under GNU Affero GPL v3. |
||