Nagala soo Xiriir



Latest Media
Warka-24-05-2013
[24-05-2013 22:52]
Warka-23-05-2013
[24-05-2013 03:12]
Warka-22-05-2013
[23-05-2013 00:18]
Warka-21-05-2013
[22-05-2013 04:38]
Warka-20-05-2013
[21-05-2013 03:04]
Warka-19-05-2013
[20-05-2013 00:28]
Warka-18-05-2013
[18-05-2013 23:03]
Warka-16-05-2013
[17-05-2013 03:04]
Warka-15-05-2013
[16-05-2013 02:53]
Warka-14-05-2013
[15-05-2013 01:21]

Ku Raadso waxaad Rabto

Dowlada Soomaaliya oo Suudaan lacag ku daabacaneysa,waxaana lacagtaasi ay u kala baxdaa Note-yada 1000, 5000,10,000,20,000, 50,000 sh.s
Dowlada Soomaaliya oo Suudaan lacag ku daabacaneysa,waxaana lacagtaasi ay u kala baxdaa Note-yada  1000, 5000,10,000,20,000, 50,000 sh.s
Wasaarada maaliyadda Soomaaliya ayaa ka hadashay lacago Shilin Soomaali ah oo baacadoodu ka socoto dalka Sudan, taasoo heshiiska lagu daabacayo ay gashay dowladdii KMG aheyd ee uu madaxda ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka maaliyada iyo qorsheynta dawlada fadaraalka Soomaaliya Maxmuud Xasan Suleyman oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxaa uu ka warbixyay xaalada lacagtaas Soomaaliya loogu daabacayo dalka Sudan.

Wasiirka ayaa sheegay iney booqdeen warashadda lacagtaas labgu daabacayo, isla markaasina haatan ay meel wanaagsan mareyso daabacaadeeda.

“Lacagta waan soo aragnay, daabacaadeeda meel wanaagsan ayey mareysaa, amaankeedana aad baa loo adkeyay” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Max’ud Xasan Suleyman.

Wasiirku wuxuu xusay in isticmaalka lacagtani aysan haatan diyaar ahayn, hase ahaatee xilli qorsheysan dalka la keeno doono marka daabacaddu dhamaato.

Wasiira ayaa rajo ka juujiyey in lacagtaan lagu badali doono lacagta Shilin Soomaaliga ee haatan la isticmaalo ee ka kooban 1 Note oo ah 1000 (Kun Shillin).

“Lacagtani waxay noqon doontaa mid badasha lacagtii hore ee Shilin Soomaaliga, si tartiib ah ayaa la rabaa in suuqa loo galiyo lacagtii horena suuqa looga saaro” ayuu hadalkiisa ku yiri wasiir Maxamuud Xasan Suleyman.

Wasiirka ayaa tilmaamay in lacagtan ka kooban tahay Note-yada kala ah: 1000, 5000, 10,000, 20,000 iyo sidoo kale 50,000.

Sida uu sheegay madaxaweyne Xasan Sheekh, lacagtaan la daabacayo ma aha mid si dhaqso ah kusoo gaari doonta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in baahida lacageed ee Soomaaliya ka jirta ay ka horreeyaan arimo badan sida in dalka la xasiliyo, isla markaana la diyaariyo habkii lacagaha loo maareyn lahaa.

Madaxweynaha ayaa cadeeyay inuu codsaday in lacagta cusub ee hadda lagu daabacay wadanka Suudaan keenisteeda dalka dib loogu dhigo maadaamada weli dalka oo dhan aysan dowladda gacanta ku heyn.
Tafatiraha on January 05 2013
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Random Media
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.