 2 ruux oo Soomaali ah ayaa ku geeriyootay 7 kalena wey ku dhaawacmeen Kadib Qarax xalay lagu weeraray maqaayad ku taala gudaha xerada Xagardheer ee Waqooyi Bari Kenya
Qarxan oo ahaa Bam Gacmeed uu tuuray gaari marayay agagaarka goob Maqaaxi ah oo kutaala xerada Qaxootiga Dhagaxleey ayaa waxaa ku geeriyooday inkabadan 2 ruux oo Soomaali ah halka 7 kalena ay ku Dhaawacmeen.
Xiliga qaraxu dhacayay oo aheyd abaara 7:00 Fiidnimo ee xalay ayaa taliyaha ciidamada Booliska ee Gobolka waqooyi bari Kenya waxa uu sheegay inay dabagal kuhayaan gaariga qaraxa tuuray Islamarkaana eysan jirin wax dad ah oo lagu soo qabqbatay howlgalo ay kasameyeen goobta qaraxu Kadhacay.
Sidoo kale taliyaha ciidamada Boliiska gobolka waqooyi bari Kenya ayaa tilmaamay in dadka Dhaawacyada ah loo qaaday cusbitalka weyn ee xerada Dhagaxleey isagoo xusay in 2 kamid ah dadka Dhaawaca ah ay xaaladoodu aad uliidato.
Waxa uu qaraxan ku eedeeyay inay ka danbeeyeen kooxda Alshabaab oo mudooyinkan danbe dalka Kenya ka geysanayay weerao Argagixiso oo ay waxyeelo kasoo gaartay muwqaadiniin isugu jirta Soomaali iyo Kenyan intaba.
Waxa uu sidoo kale qaraxani kusoo aaday iyadoo dadka Soomaliyeed ee kunool dalka Kenya gaar ahaan Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ay kulan looga hadlayo dhibaatooyinka ay ugeystaan ciidamada Kenya ay la qaateen wasiirka gaashandhiga dalkaasi Maxamed Yuusuf Xaaji. |