|
|


Ku Raadso waxaad Rabto |
|
|
| Gabeyga Hooyooy Macaan Gabeygiii Sanadka 2012ka,Waa Gabay saameeyn ku Yeeshay Hooyada Soomaliyeed,yey Maskaxdiisa ka soo Maaxatay Gabeygnaan. |
![]() Abwan biixioo ka hadlay Dareenka ku dhaliyay Gabeygaanqabsaday quluubta hooyada soomalaiyeed iyointa og wanaageeda ayaa sheegay in Gabeyga ookamidaSuugaanta Fanka Maadam Horay dhinaca heesah uu abwaano uga sameeyeen inuuisaguna qalinkisau qaatay balinuu Boorka kaga jafo dhinaca gabeyga si ay dhinac kasta suugaanta uga sii Muuqato Doorka Hooyada Soomaaliyeed Abwaan Biixi Waxa uu ku Bilaabay gabeygiisi Hooyooy Macaan ee laga daba dhacay kan mida Suuqaanta uu abwaanku sameeyay sidan. Hooyooy macaaneey maalintii aad uurka igu qaadday illaa maanta oo gadhkii cirradu maanshaysay waxaad aniga igasoo martee maama ku haleelay miridh keliya abaalka ma gudo oo markhaati lehe adduunyada haddaan magac ku helo iyo waliba maamuusba madaxwayne hadday iga dhigaan oon martabad yeesho maalkaa adduunyada dhexyaal haddii midigta laysaaro mar qudhoon ku eegtaa karoon oon maama ku idhaahdo micno malaha dunidani haddaan hooyo maamuline ma tisqaado ninkaan hooyadii maandhow odhanayne ma illaawin maalintii uu madfucu midigta kaa dhaafay masiibadii jirtiyo adoon murugba eegaynin cabdi meeyey waataad lahayd oo markhaati lehe mid hadduu xanuunsado amase meel aado maankaagu inuu maqanyohoo oodka murugooto ninkii maanle wuu garanayaa oo muranka diidaaya ma danaysid adduunyada kaloo ubadka mooyaane muraadkaagu waa inay ilmuhu magac lahaadaane gucla orodka waxaad maalintii milic la roorayso waxaad tahay macallin edebtiyo cilmiga falagga maareeya haddii laba marxalo ila kulmaan oon mid ku abbaaro mudnaanteeda koobaad adayskale oo midigtii baad tahaye maalmo weeye dunidani oo marbaa laga masaafuriye mawdkii hadduu ku helo ood adduun macasalaamayso macaaneey haddaan kaa hadhoon madasha sii joogo mugdibaa aniga lay qoray oo muranla, weeyaane hayeeshee mawluhu wuxuu qaddaray yaan lagana maarmayne mid iftiima kuu noqoy qabrigu oon mushkilad oolle naxariis mug wayn baa ilaah magane waydiine nabi muxamed wehel kaaga dhigo ood micii noqoto midigtana lagaasii kitaab waa martabad wayne malaa,iguhu garabkaaga iyo midig ha joogeene maalintaa qiyaamaha ee khalqigu uuka murugoodo kuwa maalintaa loo xusheen milicdu aafaynin mawlaan baryaayaa inaad farax la muusooto oo muftaaxii jannada eebahay midigta kaa saaro anna xarafka maansada waxaan miimka u abbaaray mawleheennu sidii uu na yidhi ee muxamed noo sheegay muxubadaan u qabo hooyaday macallinkaygiiye masalooyinkay iidhigtay baan maanka ku hayaaye magaceed ha raagee murtibaa loogu daw galaye mawlaha ilaahaw adigu marinka noo toosi magantaada adigaannu nahay oo na maamula e maankayaga allow geli micnahaad dunidan noo keentay oo shaydaanka naga moos allaw adaan kuu miskiin nahaye. dhamaad N.B Abwaan Cabdirashiid sheekh Biixi Sanadkaan Cusub ee 2013 waxa uus oo saray hee ka hadleysa qiimaha Waxbarshada heestaasoo abwaanku min mudo ku Howlanaa soo saaarideeda waana hees dhinac kasta ka taabaneysa qiimaha Waxbarashadu leedahay,heesaga dabaxsana Abwanku hooray dhowr jeer buu usoo saaray oow aliba u dhibay fanaannin Codkooda aad loo jelel yahy xiligaan kana mida Fanaaniinta Caabka ah ee soo Caan baxay waxii ka Dambeeyay 1990kii waxa uuna u jeediyay dhamaantood iyo waliba intii ka qeybq adtay Laxameynta suugaantiisa mahad celin balaaran Tafatiraha on January 05 2013
|
|
|
0 Comments · 157 Reads
·
· |
|
| Comments |
| No Comments have been Posted. |
| Post Comment |
| Please Login to Post a Comment. |
| Ratings |
|
No Ratings have been Posted.
|










| Arise Theme by Domi 2011 | 2,245,704 unique visits | |
Powered by PHP-Fusion copyright © 2002 - 2013 by Nick Jones. Released as free software without warranties under GNU Affero GPL v3. |
||