|
|


Ku Raadso waxaad Rabto |
|
|
| Bilowga Fa-ga oo la isku arkay shalay Man utd oo uu ka Gaaray 20 Van Persie vs Chelsea oo la Timid 29 Demba Ba |
kulmadii dhjacay hadaan soo qaato kuwii fiirada gaarka loo lahaa sidatan ayey noqotay Natiijadii. Southampton vs Chelsea 1-5 Kooxda Chhelsea oo lagu bilaabay Goolka waxaa barbaraha gacanta ka saray qeybtii horena ka dhgay Ciyaarta in la isku macsalaameyo Weeraryahankooda Cusub ee laga keenay Newcastle Demba Ba oo u dhahsay Senegal kaasoo ka faaideeyaykubad uu soo xarageeyay 10 Mata kuna timid Baas Kooxda Che;aea oo maamulka Ciyaarta heysaty inta badan ayaa qeybtii danbe 4 gool u Raacisay Soouthamton waxaana Ciyaartoyda kala ah Moses,ivanovic, Demba Ba oo labeystay Daqiiqadii 61 iyo Lamabrd oo badal ku soo galay oo dhaliyay Rigoore goolkii ugu Dambeeyay ee 5 Daqiiqadii 83. Kulmadii kale ee dhacay Man city oo 3-0 ku Xaaqday Koxda Warford waxaana goolsha u kala dhaliyay qeybtii hore iyo tii danbe Tevez oo dhaliyay 2 gool iyo dhamadkii Ciyaarta oo uu goolkii 3 u dhaliyay Marcos Lopes sidaana Chelsea vs Man city waxa ay ka mid noqden kooxaha wareega kale u gudbay. Kulankii sida weynla isagi jabay ee la wada sugayay waxa uu dhexmaray West ham vs Man utd oo ku dhamaatay 2-2 waxaana Ciyaartaan oo Kooxda West ham ay sii niyeysatay Guusha ilaa dhamaadkii ciyaarta ka soo gaaray Man utd Gooldhaliyahooda Reer Holland Van persea oo diiday in Man utd Xalay ka harto Koobka waxana uu dhaliyay gool uu farsameystay oo uu daba mariyay Goolahyaha Kooxda west Ham Ciyaartiina waxa ay ku dhamaatay 2-2 iyo kin kulan kale la isla tago halkii Man utd ay dooneysay ee aheyd Garoonkeeda waxaana labada naadi ay ku kala bixi doonaan Ciyaartaasi isku Celiska ah. QPR vs West Brom 1-1 ciyaar kale oo isku celis ah leeds vs Birmingham 1-1 ciyaar kale oo isku celis ah Kooxda Aston Villa ayaa 2-1 isga reebtay Kooxda IPswich waxana ay sidaasi ugu gudubtay wareega xiga Bolton vs Sunderland 2-2 kulan kale ayaa dhex mari doona si mid ka mida ay u soo gudubto. Fulham vs Blackbool 1-1 Kooxahaan kulan isku cleis ah ayaa u dhiman si mid ka mida ay u soo baxdo. sidoo kale kulamo fara badan oo ka tirsan Koobkaasi FA-ga ayaa la ciyaaray oo qaarkood ay kooxo ka soo baxeen,kuwana la isku clein doono markale. Maanta waxa la ciyaari doonaa Kulamo ka Tirsan Koobkaasi waxaana kulanka la sugayo uu u dhaxeeyaa Kooxaha Swansea vs Arsenal,sidoo kale koxda liverbool ayaa iyaduna marti u noqon doonta Kooxda Mansfield oo ka mida kooxaha heerka hoose ee Dalka Ingiriiska Waxaa Diyaariyay. Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox' Uurdoox2011@hotmail.com Tafatiraha on January 06 2013
|
|
|
0 Comments · 148 Reads
·
· |
|
| Comments |
| No Comments have been Posted. |
| Post Comment |
| Please Login to Post a Comment. |
| Ratings |
|
No Ratings have been Posted.
|










| Arise Theme by Domi 2011 | 2,263,631 unique visits | |
Powered by PHP-Fusion copyright © 2002 - 2013 by Nick Jones. Released as free software without warranties under GNU Affero GPL v3. |
||