 Wararka naga soo Gaaray xarunta Maamul Goboleedka Puntland ee garowe aya sheegay in Maanta halkaasi ay kulan ku yeelan doonaan madaxweynihii Hore ee Puntland jen Cade Muuse iyo salaadiinta kala ah Suldaan Garaase iyo Islaan Ciise islaan Maxamed oo ka mida Duqeyda dhaqanka ee degaankasi
Cade Muuse ayaa ku Howlanaa Maalmihii ugu dambeeyay Xasilinta iyo dmainta Xiisadaha ka soo cusboonaaday Puntland lana xiriira mudo kororsiga maamulka Faroole ee Puntland waxaana uu soo maray mudadii uu Puntland Joogay Boosaso iyo gaalkacyo,isaoow ada tashiyo la qaatay qeybaha kala duwan ee ay quseyso arintaan.
|