Nagala soo Xiriir



Latest Media
Warka-21-05-2013
[22-05-2013 04:38]
Warka-20-05-2013
[21-05-2013 03:04]
Warka-19-05-2013
[20-05-2013 00:28]
Warka-18-05-2013
[18-05-2013 23:03]
Warka-16-05-2013
[17-05-2013 03:04]
Warka-15-05-2013
[16-05-2013 02:53]
Warka-14-05-2013
[15-05-2013 01:21]
Warka-13-05-2013
[14-05-2013 02:35]
Warka-12-05-2013
[13-05-2013 02:36]
Warka-11-05-2013
[12-05-2013 04:16]

Ku Raadso waxaad Rabto

Siyaasiyiin uu ka mid yahay Madoobe Nuunoow Maxamed oo Baydhabo u joga Maamul u sameynta Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Siyaasiyiin uu ka mid yahay Madoobe Nuunoow Maxamed oo Baydhabo u joga Maamul u sameynta Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Waxaa Maalmahaan Xarunta Gobolka Bay ku sii qulqulayay ergooyin kala duwan oo isgau jira siayasiyiin,waxgarad,odoy dhaqameed,Aqoonyahano kuwaasoo la sheegay inay wadan u gogol xaarida Mamul loo Yagleelo Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya


Sida ay sheegayaan wararka qaar ka mid ah Xildhibaanadii hore ee baarlamaanka iyo siyaasiyiin ayaa ku sugan magaalada Baydhabo, waxaana qorshahan uu qeyb ka yahay sidii maamul goboleed loogu dhisi lahaa Gobolada Bay, Bakool, Sh/Hoose, Sh/Dhexe, Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe.

Inkastoo qorshahan uu ahaa mid in muddo ah la soo waday, hadana waxaa ka muuqata iska war qab la'aan maadaama qorshayaal maamul loogu sameynayo Gobolada Jubooyinka ay ka socoto magaalada Baydhabo, kaasoo ay ku lug leedahay Urur goboleedka IGAD.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin Ergo ka socota Wasaarada Arrimaha gudaha Soomaaliya oo u kuur galeysa habka uu shirka u dhici doono, waxaana dhowaan Baydhabo gaaray xubno ka socday Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey ee UNPOS.

Sidoo kale odayaashii dhaqanka ee horay u soo magacaabay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa door weyn ku leh dhismaha maamul goboleedka loo sameynayo Koofur Galbeed Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa maalmihii u dambeeyay ahaa mid mashquul, iyadoo ay ka degayeen siyaasiyiin, odayaal iyo mas'uuliyiin ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool.

Wariye Yuusuf Keynaan oo ka tirsan Radio Kulmiye oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qaban qaabada shirweynaha si weyn looga dareemayo magaalada Baydhabo, isla markaana la sugayo ergooyinka ka socda gobolada kale ee ku qayixan dhismaha maamul goboleedkan.

Sidoo kale waxaa la diyaariyay goobihii shirarka lagu qaban lahaa iyo halkii la dejin lahaa ergooyinka, waxaana amaanka gacanta ku haya Ciidamada Itoobiya, AMISOM iyo kuwa dowladda.
Tafatiraha on January 24 2013
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Random Media
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.