 Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa La geyay Ciidamo Boolis ah oo loogu Talagalay Sugida Amaanka magaaladaasi ka dib Markii mudooyinkii la soo dhaafay ay ka dhaceen falala amni daro,Dilal iyo Kufsi.
Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Cumar Mudan ayaa uga mahad celiyay Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Taliska Ciidamada booliska tallaabadan ay ciidamada booliska looga howl geliyay Marka.
Waxaa uu sheegay in ciidamada booliska ay ka shaqeyn doonaan sugida amaanka, isla markaana ay wax ka qaban doonaan falalka amni daro.
Gudoomiye kuxigeenka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay kala shaqeeyaan amaanka, ayna ciidamada la soo xiriiraan hadii ay arkaan waxyaabo lidi ku ah amaanka.
dhinaca kale dadka deeganaka ayaa sood ahweyay Talaabadaan ay qaaday Dowlada Soomalaiya laguna sugayo Amaanka magaalada marka ee Gobolka shabeelaha Hoose. |