 Al-Shabaab ayaa barteeda Twitter-ka ee @HSMPress hawada soo geliyay bishii December ee sanadkii 2011 markii Kenya ciidamadeeda ay soo galeen Soomaaliya bishii October ee sanadkii 2011, xilligaasoo Al-Shabaab ay xoojisay dagaalkeeda dhinaca warbaahinta.
Horaantii bishan Al-Shabaab ayaa soo dhigay barta Twitter inay dileen Sarkaalkii u dhashay Faransiiska, kadib markii howl gal ay ku furan lahaayeen Kumadoska Faransiiska uu fashilmay, sidoo kale meydka askari ka mid aha Kumandoska Faransiiska oo dhaawac ahaan u qabsadeen Shabaab ayaa la soo geliyay sawirkiisa.
Maamulka Twitter ayaan wax war ah ka soo saarin xanibaada uu ku sameeyay bartii Al-Shabaab ka isticmaalesay adeegeeda.
|