Nagala soo Xiriir



Latest Media
Warka-22-05-2013
[23-05-2013 00:18]
Warka-21-05-2013
[22-05-2013 04:38]
Warka-20-05-2013
[21-05-2013 03:04]
Warka-19-05-2013
[20-05-2013 00:28]
Warka-18-05-2013
[18-05-2013 23:03]
Warka-16-05-2013
[17-05-2013 03:04]
Warka-15-05-2013
[16-05-2013 02:53]
Warka-14-05-2013
[15-05-2013 01:21]
Warka-13-05-2013
[14-05-2013 02:35]
Warka-12-05-2013
[13-05-2013 02:36]

Ku Raadso waxaad Rabto

Puntland oo Sheegtay in Caasimada Soomaaliya ee muqdisho aysan Gaar u sheegan karin Cid Gooni ah
Puntland oo Sheegtay in Caasimada Soomaaliya ee muqdisho aysan Gaar u sheegan karin Cid Gooni ah
Wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland Max’uud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ay tahay Magaalo ka wada dhaxeysa Umadda Soomalaiyeed Gaarna loo sheegan karin waxa uuna shaki galiyay Caasimad ahaanshaha Muqdisho.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dastuurka xiligan u dagan shacabka Soomaaliyeed ee lagu wada heshiiyey ay ku qorantahay in magaalada Caasimada ah ay tahay in goor danbe ay kawada arinsadaan bulsho weynta Soomaaliyeed hadii ay Muqdisho sii ahaato ama ay magaalo kale u gartaan iney ka dhigtaan Caasimada dalka,wuxuuna sheegay ineysan suurta gal ahayn in Muqdisho cid marti looga noqdo.

Wuxuuna sheegay ineysan aqbali karin in magaalada Muqdisho ay sheegato cid gaar ah isagoona sheegay ineysan suurta gal ahayn in magaalada Muqdisho ay caasimad sii ahaato iyada oo aan laga wada hadlin wixii ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu sheegay iney ka dheceen gabood falo aan la ilaawi karin taasine ay tahay sababta ay shakiga u galinayaa caasimad ahaanshaha Muqdisho.

Magaalada Muqdisho oo ah Caasimada rasmiga ah ee Soomaaliya ayaa soo martay waayo badan oo mugdi ah waxaana hubaal ah iney ku caanbaxday waxyaabo badan oo aysan jeclaysan mawaadiniin badan oo Soomaaliyeed oo ay uurkutaalo ku reebtay dhibaatooyinkaas waxaana xiligan muuqda in wajigii wanaagsanaa ee magaalada Muqdisho uu xiligan dib u soo noolaanayo waxaana Muqdisho ka socda dib usoo celinta astaamihii Muqdisho loogu xishay caasimada dalka Soomaaliya.
Tafatiraha on January 26 2013
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Random Media
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.