 Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Axmed ayaa ka amba baxay Maanta Garoonka Adan cade ee Muqdisho waxaana uu socdaalkiisu yahay ka qeybgalka shir madaxeedka afrika ee ka dhacaya Adis ababa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugaga qeybgalaya dalka Ethiopia kulan ay isugu imanayaan madaxda ururka Midowga Afrika.
Kulankan ayaa ajandayaasha loogaga hadlayo waxaa ka mid ah arrimaha dalka Soomaaliya iyo wadanka Mali.
Dowlada Soomaaliya ayaa kulankan ka qeybgalaysa markii ugu horeysey muddo labaatan sano ah iyadoo ictiraaf buuxda ka haysata dalka Maraykanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa kulanka kadib in uu u ambabaxo magaalada Brussels ee dalka Belgium halkaa oo kulan ay isugu imanayaan madaxda midowga Yurub.
Magaalada Brussels ee ah xarunta ururka Midowga Yurub ayaa waxaa la qorsheynayaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu kula kulmo madax ka socota Midowga Yurub.
Kulamada uu la yeelanayo madaxweynaha Soomaaliya madaxda midowga Yurub ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa sidii wadamada ku bahoobay Midowga Yurub ay gacan u siin lahaayeen dowlada Federalka Soomaaliya. |