|
|


Ku Raadso waxaad Rabto |
|
|
| Xasan Ciise Jaamac'waxaan ka digeynaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shir gudoomiyo kulanka Soomaaliya vs Soomaaliland. |
Arintan oo maalmahan dambe la hadal-hayay, lana sheegay inay Dawlada Somaliya ee Xasan sh. Maxamuud Dalbanayso inay shirka wada gudoomiyaan Dawlada ingiriiska iyo Madaxweynaha Somaliya, waxa uu Xasan Ciise ku tilmaamay mid hadii ay dhacdo go’aankii shacbigu gaadheen 22 sano hortood god-madow ku dhacayo, jirina meel ay Somaliland xaqeeda ka maqan ku soo dhacsan karto hadii dawladii wada-hadaladu ka dhexeeyeen Manjaraha u qabato shirka. “Maalmahan waxaan maqlayay Dawlada Somaliya waxay doonaysaa oo ay Ingiriiska waydiisatay inay shir gudoonka wada-hadalka door ku yeelato, taasoo ah in Madaxweynahoodu doonayo inuu shirka ku weheliyo Shir-guddoonkiisa dawlada Ingiriiska, taasi hadii ay dhacdo waxaan qabaa inay god-ku ridayso gooni-isutaaga Somaliland, wax la yeeli karona maaha , waanan ka digayaa, waana arin talo-qaran u baahan oo aan ku talinayo inaan lagu deg-degin”ayuu yidhi. Dhinaca kale Xasan Ciise Jaamac oo shalay u Waramay Wariye Saleban Cabdi Cali (kalshaale), waxa uu dhanka kale dhaliilay Siyaasadda arimaha dibada Somaliland oo uu inay fadhiidnimadii ugu xumayd marayso “Siyaasadda arrimaha dibada Somaliland waan dhaliilayaa waxaanay maraysaa meel aad u hoosayso, waxaana ka markhaatiya qaabka ay dawlada ugu kamabaha weyn aduunka ee Maraykanka iyo Ingiriisku ula macaamilayaan Somaliland”ayuu yidhi. Isagoo isla arintaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “waxa la yidhi mayd maxaa u dambeeyay dee kaa la sii sido, fadhiidnimada Siyaasadda dibada waxa u dambeeyay aqoonsiga Maraykanku siiyay Somaliya oo aan u arko inuu yahay kii Somaliland xaqa u lahayd oo xagaa la siiyay”ayuu yidhi. Geesta kale, Xasan Ciise Jaamac oo Wariyuhu waydiiyay sida uu u arko Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo shalay Golayaasha Baarlamanka u jeediyay oo markii uu ka hadlayay Doorashada Madaxweynuhu doorashadaasi ku tilmaamay mid si Cadaalad ah u dhacday, waxa uu sheegay inaan Doorashadaasi qof wadanka u dhashay ku tilmaami Karin mid cadaalad u dhacday. Waxaanu yidhi “anigu maan wada dhegeysan Khudbada Madaxweynaha oo taa waxaan ka hadli doonaa markaan helo iyadoo dhamaystiran, laakiinse runta marka laga hadlayo Doorashadaas iyo wixii dalka ka dhacay may ahayn wax wadanka joogaa ku tilmaami karo sax ama amaani karo, Madaxweynuhuna dalka kamuu maqnayne wuu joogay”ayuu yidhi. Waxaanu intaasi raaciyay “Ururaddi Doorashada ku hadhay mid qudha oo hambalyeeyay wax cadaalad lagaga helay muu jirin, Ururka xaqsoorna wuxuu ka doodayaa xaq darada lagu sameeyay, iyadoo aan la ilaabi kari caruurtii yar-yarayd ee Xabadda dhabarka lagala dhacay iyo haday tahay dadkii lagu laayay saylac oo aanu runtii aad uga xunahay dhibaatada loo geystay”ayuu yidhi. source wargeyska Waaheen Tafatiraha on January 31 2013
|
|
|
0 Comments · 401 Reads
·
· |
|
| Comments |
| No Comments have been Posted. |
| Post Comment |
| Please Login to Post a Comment. |
| Ratings |
|
No Ratings have been Posted.
|










| Arise Theme by Domi 2011 | 2,261,867 unique visits | |
Powered by PHP-Fusion copyright © 2002 - 2013 by Nick Jones. Released as free software without warranties under GNU Affero GPL v3. |
||