|
|


Ku Raadso waxaad Rabto |
|
|
| Dagaal Xoogan oo Xalay galbeedka Baladweyne ku dhexmaray Ciidamada amisom iyo kuwa Dowlada oo dhinac ah iyo Xarakada Alshabaab |
Dhinacyada dirirtu dhaxmartay ayaa isku adeegsaday hub-ka noocayadiisa kala duwan waxaan la maqlayay madaafiic laga soo tuurayay qoriga hoobiyaha, hubka laga rido gadiidka dagaallka, iyo rasaasta qoryaha daran-dooriga u dhaca kuwaasoo qal qal ku abuuray dadka rayidka ah ee magaalada gaar ahaan xafaada lagu dagaallamay ee Howl-wadaag. Taliyaha ciidamada dowladda ee maamulka gobollka Hiiraan Col Tawane Axmed Gurey oo la hadllay warbaahinta ayaa sheegay in khasaare xoog leh la gaarsiiyay sida uu hadalka u dhigay kooxihii weerarka soo qaaday. ‘’Xalay waxaa soo weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM kooxaha cadawgga, waxaana la gaarsiiyay jab xoog leh, xiliganna waxaa lagu raad joogaa firxadkii ka haray,’’ ayuu yiri Col Towane Axmed Gurey. Mar wax laga weydiiyay waxaa uu ka og-yahay khasaaraha ka dhashay dagaallkii xalay, waxaa uu sheegay in in uu arkay tiro meydad ah oo ka tirsan kooxihii weerarka soo qaaday, isaga oo intaa ku darray in dhinacooda uu dagaallka kaga dhaawacmay labo askari oo kaliya. Ma jiro wax war ah oo ay dhinaca Al-shabaab ka soo saareen dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan. Rasaasta iyo madaafiicda leysku adeegsanayay dagaallkii xalay ayaa si toos ah ugu dhacayay xaafaddo ay ku nool yihiin dad shacab ah, waxaana ilaa iyo hadda inta la og-yahay ku dhaawacay ilaa Afar ruux oo rayid ah. Dagaalka xalay ka dhacay magaalada Baladweyne oo ahaa mid aad u culus ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo dhaxmaray ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM tan iyo markii ay soo gaareen magaalada horaantii sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2012-ka. Xaalada guud ee magaalada ayaa saakay degan, waxaana caadi u soconaya dhaq dhaqaaqa dadka, gadiidka iyo ganacsiga intaba, inkastoo dadweynuhu ay hadal hayaan dagaallkii xalay. Tafatiraha on February 01 2013
|
|
|
0 Comments · 153 Reads
·
· |
|
| Comments |
| No Comments have been Posted. |
| Post Comment |
| Please Login to Post a Comment. |
| Ratings |
|
No Ratings have been Posted.
|










| Arise Theme by Domi 2011 | 2,255,462 unique visits | |
Powered by PHP-Fusion copyright © 2002 - 2013 by Nick Jones. Released as free software without warranties under GNU Affero GPL v3. |
||