 Wasiirka Arimha Gudaha Soomaaliya Cabdikariin Xusen Guuleed oo ka mid ahaa wafdi wasiiro ah oo Magaalada Marka u raacay raisulwasaaraha Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon' Saacid' ayaa sheegay in dowlada soomaaliya ay ka goan athay Xoreynta Degmooyinka Gobolka shabeelaha Hosoe ee gacantooda aan ku jirin sida,Qoryooleey, Baraawe,Kurtun waareey,owdheegle, buulo Mareer,Janaale,sablaale waxa uuna xusay in Guud ahan Gobolka shabeelaha Hoose ay dowlada Soomalaiya la wareegi doonto Maamul loo dhan yahayna a hirgalin doonto.
mr.Guuleed waxa uu xusay in dolwadu federaal ay atahy dastuurkana sidaasi ku qoran tahay isla markaana Talada maamulka la weydiinayo dadka deegaanka hadii ay atahy in laga soo qoro xaafiiska Raisulwasaaraha ama kan wasiirka arimaha gudaha.
dadaka deeganaka marka aya aad ugu farxay imaatinka wafdigaan ka socday Dowlada Soomaaliya ay ku tageen xarunta Gobolka shabeelaha hoose ee Marka.
|