Nagala soo Xiriir



Latest Media
Warka-25-05-2013
[26-05-2013 05:28]
Warka-24-05-2013
[24-05-2013 22:52]
Warka-23-05-2013
[24-05-2013 03:12]
Warka-22-05-2013
[23-05-2013 00:18]
Warka-21-05-2013
[22-05-2013 04:38]
Warka-20-05-2013
[21-05-2013 03:04]
Warka-19-05-2013
[20-05-2013 00:28]
Warka-18-05-2013
[18-05-2013 23:03]
Warka-16-05-2013
[17-05-2013 03:04]
Warka-15-05-2013
[16-05-2013 02:53]

Ku Raadso waxaad Rabto

Ururada Rays iyo Dalsan ee ku Haray Doorashadii Golaha Deegaanka Soomaaliland oo Ku Biiraya maalmaha soo socda Xisbiga Kulmiye
Ururada Rays iyo Dalsan ee ku Haray Doorashadii Golaha Deegaanka Soomaaliland oo Ku Biiraya maalmaha soo socda Xisbiga Kulmiye
Urur Siyaasadeedyadii hadhay ee Rays iyo Dalsan ee madaxweyne Siilaanyo Qudbad sanadeedkiisii labada Gole Baarlamaan uu ku amaanay ayaa toddobaadakan ku biiraya Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Sida ay Waaheen ku heshay xogo la xidhiidha ku biirista Ururadan ayaa sheegaya in la so oaf-jaray wadahadalo hoose oo beryahanba u socday Hogaamiyayaasha labadaaas Urur iyo Xubno ay Xukuumaddu u saartay Heshiiskooda oo ay ka mid ahaayeen wasiiro iyo Xisbiyahano Kulmiye ah.

Si rasmi ah looma shaacin Heshiiska dhex maray Labadan Urur Siyaasadeed madaxdooda iyo Xukuumadda, hase yeeshee sida Waaheen ay ku heshay Xogta waxa labada Masuul ee Guddoomiyayaasha ka ahaa labadaas Urur loogu balanqaaday in la siinayo laba Wasiir, kuwaasoo la magacaabi doono shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye kadib.

Sidoo kale, waxa ay wararku sheegayaan in loogu balanqaaday in loo Celiyo lacagtii kaga baxday Ololayaashii Ururadooda, waxaana midkiiba loo celinayaa lacag lagu qiyaasay min Hal Milyan, halka Xubnihii Ururadaasi qaarkood laga siin doono shaqooyin dhinaca Xukuumadda ah, isla markaana Saami laga siin doono kuraasta Golaha Dhexe iyo Guddida Fulinta ee Xisbiga.

Labadan Urur ayaa la filayaa in xafladdo dhakhso ah loo qabto maadaama shirkii Golaha Dhexe soo dhaw yahay, waxaanay wararka u dhuun daloola Heshiiskani sheegayaan in laba cisho gudahood lagu qaban doono xafladda soo horaysa oo noqon doonta ta Rays oo la sheegay in si rasmi ah iyada qalinka loogu duugay qabashadeeda.

Si kasta ha ahaatee ku biirista labadan Urur ayaa saamayn ku yeelan doonta ololaha hoose ee Xisbigaasi ka taagan ee loogu diyaar garoobayo Guddoomiyanimada iyo Musharaxnimadda Xisbigaasi, gaar ahaana Hogaamiyayaasha labada Urur oo Miisaankoodu dhinac u badan doono awgeed.

source wargeyska Waaheen
Tafatiraha on February 01 2013
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Random Media
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.