 Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mahamet Annadif Saleh ayaa sheegay inay hayaan xog ku aadan in xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab ay tageen meelo ka mid ah deegaanada Somaliland iyo Puntland si ay ugu dhuumaaleystaan.
"Waxaa jira qaar shacabka ku milmay iyo kuwo u cararay dhulalka ay ka jiraan maamul goboleedyada, waxay isku dayayaan inay weeraro dhuumaaleysi ka qaadaan"ayuu yiri Mahamet Annadiff Saleh.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay inay ka war hayaan in xubno ka tirsan Shabaab ay soo galeen bariga gobolka Sanaag, isagoo ku hanjabay inay ka hortagi doonaan.
Sirdoonada reer galbeedka ayaa sheegaya inay suura gal tahay in Al-Shabaab ay ku dhuumaaleystaan buuraleyda u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland. |