Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Jaaliyada ku dhaqan Ingiriiska u jeediyay Khudbad dhinacyo kala duwan ka hadleysay
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Jaaliyada ku dhaqan Ingiriiska u jeediyay Khudbad dhinacyo kala duwan ka hadleysay
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maalmahaan isaga iyo wafdi uu Hogaaminayo ay ku sugnaayeen Dalka Ingiriiska ayaa Xalay Khudbad dhinacyo kala duwan ka warameysay waxa uu u jeediyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan Wadanka Ingiriiska
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kaga hadlay khudbadaasi qorshaha dowladda ay ka damacsantahay, amniga. Wuxuuna kaga digay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingriiska in ay ka fogaadaan qabyaaladda. “ Qaran in la dhiso iyo in qabyaallad laga shaqeeyo meel is lama gasho” wuxuuna Madaxweynaha ku booriyay Jaaliyadda in ay ka qeyb qaatan dib u dhiska dalka.
“Aqoonsiga Dowladda Soomaaliyeed heshay waa heybad iyo sharaf u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed deegaan kasta oo ay degan yihiin, aqoonsigaasna ma noqon doono mid dad gaar ah lagu riixo oo culeys diblumaasiyadeed lagu saarayo. walaalaha Soomaaliyeedna waxaan leenahay na siiya fursad aan idinku soo gaarsiinno wanaagga aqoonsiga dowladda Soomaaliya ay heshay ” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh oo ka hadlayey aqoonsiga caalamiga ah ee ay heshay dowladiisa.
Madaxweynaha, ayaa jaaliyadda warbixin ka siiyay xaaladda uu hadda dalka ku sugan yahay iyo istaraatijiyadda Lixda Tiir siyasadeed. Waxaa kale uu ka hadlay safarkiisii uu ku gaaray dalka Maraykanka, kaasna ku tilmaamay mid guul ku soo dhamaaday.
Sababaha Dhalinyarada ay Shabaab ugu biiraan ayuu ka hadlay Madaxweynaha, wuxuuna u kala qaada seddex qeybood oo kala ah qeyb u gashay nolol, qeyb u gashay in ay ku aargoosato iyo koox mabda’ ahaan u galay oo laga dhaadhiciyay feker qaldan oo dhinaca diinta, wuxuuna seddexba sheegay in ay yihiin dhalinyaro markii dowladdii hore dhaceysay jiray 5 illaa 10 sano aana garaneynin waxa ay tahay dowladnimo.
“Haddii aan wax kasta soo marnay, wax kale oo na qaado ma lahan, waxaa na qaada calanka buluugga ah ee shanta gees leh, waxaana u baahan nahay in aan is-ogolaanno oo midnimo la nimaado. Adduunka haddii aad doontaan in aad u safartaan qaarkiin waxaa laga yaabaa in ay idinka xigto in aad tikidh kaliya goosataan, halka aniga aaney sidaas iigu sahlaneyn, laakin mar walba waxaa tihiin Somali-British, meel kasta oo aad tagtaanna waxaan tihiin Soomaali” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha kula dar-daarmay Jaaliyadda in ay dhowraan sharciyadda iyo nidaamka u degan dalka ay ku nool yihiin, ayna masuuliyad iska saaran xoojinta arinkaas.