Nagala soo Xiriir



Latest Media
Warka-17-06-2013
[18-06-2013 06:51]
Warka-16-06-2013
[16-06-2013 23:43]
Warka-15-06-2013
[16-06-2013 00:23]
Warka-14-06-2013
[14-06-2013 23:02]
Warka-13-06-2013
[14-06-2013 02:21]
Warka-12-06-2013
[13-06-2013 02:05]
Warka-11-06-2013
[12-06-2013 00:39]
Warka-10-06-2013
[11-06-2013 03:16]
Warka-09-06-2013
[10-06-2013 02:10]
Warka-08-06-2013
[09-06-2013 14:36]

Ku Raadso waxaad Rabto

Xarakada Alshabaab oo dhalinyaro ku Xirxiray Degmada Jilib ee Gobolka jubada dhexe
Xarakada Alshabaab oo dhalinyaro ku Xirxiray Degmada Jilib ee Gobolka jubada dhexe
Sida uu Baahiyay Radio Muqdisho Dad goobjoogayaal ah oo kusugan degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ee haraadiga ku ah weli qeybo kamid ah gobolkaasi ay bilaabeen Qabqabashada dhalinyarada raga ah iyagoo ku andacoonaya in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo xiligan kaabiga kuhaya degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in inkabadan 20 ruux oo deegaanka ah ay todobaadkan kooxdu xabsiga dhigeen Iyagoo ku eedeeyay inay yihiin dadka taageersan dowladda islamarkaana u gogolxaaraya in ciidamada Qaranku ay degmada gudaha usoo galaan.

Nin kamid ah ehelada dadka laxiray ayaa Radio Muqdisho usheegay in 20 ka ruux ee laxiray uu Kamidyahay nin madaxa looga jiro oo ay kooxdu tilmaameen inuu aad ula dhacsanyahay dowladda kadib markii ay cabsi xoogani soowajahday maleeshiyaadka weli halkaasi kusugan

Waxa uu ninkani intaa raaciyay in laga cabsi qabo in kooxdu ay toogato dadkan muwaadiniinta ah Maadama ay geysteen xabsi gaar ah oo ay kuleeyihiin goob magaalada kabaxsan islamrkaan dhowr jeer ay horay sidan oo kale dil ugu geysteen dad deegaanka ah oo ay ku eedeeyeen inay taageersanyihiin Dowladda Soomaaliya.

Maleeshiyada Al-Shabaab ee kusugan tuulooyin katirsan gobolka Jubada Dhexe ayaa waxaa xiligan soo wajahay cabsidii ugu xooganeyd kadib markii ay ciidamada dowladdu gacanta uga dhigeen Magaalooyinkii muhiimka ahaa iyadoo ay weli raacdo ugu jiraan sidii loo soo afjarilahaa maleeshiyaadka Weli ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah si eysan usii wadin dhibaatada ay kuhayaan dadka Shacabka ah ee ay dowladu mas’uulka katahay
Tafatiraha on February 03 2013
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Random Media
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.