 Caado dhaqameedkaan Istunka ayaa ah mid ay caan ku yihin Bulshada reer afgooye balse waxaa xusid mudan in Mudadii ay halakasi ka Talinayeen Xisbul islaam iyo Alshabaab inana la qaban caadadaasi istunka oo ay caan ku ahaan jirtay Afgooye
Cabdulaahi Axmed Cabdi Iidoow oo ah Guddoomiyaha Degmada Afgooye ee Dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in caado dhaqameedka istunka ay tahay arin ay sameyn jireen shacabka Degmada Afgooye iminkana dib loosoo nooleeyay.
Wuxuu sheegay in damaashaadka istunka uu ka dhacay Afgooye ayna diyaariyeen ulo yar yar oo ay isku tumaan dadka muujinaysana shucuurta shacabka.
Guddoomiyaha Degmada Afgooye ayaa sheegay in intii Shabaab ay gacanta ku hayeen Degmada Afgooye aysan sameyn shacabka Afgooye dhaqankii istunka balse iminka dib ay ubilaabeen.
Shacabka Afgooye ayaan muddo sameyn caado dhaqameedkaan istunka xilligii Afgooye uu ka shaqeyn jiray maamulkii Ururka Al-Shabaab. |