 Wararka ayaa sheegaya in saaka ay gudaha u galeen Janaale, iyagoo fariisin ka sameystay Buundada, waxaana ciidamada saaka galay janaale ay ka soo dhaqaaqeen dhinaca Marka, kadib markii shalay ay dhaq dhaqaaq ciidan wadeen.
Sidoo kale degmada Awdheegle oo qiyaastii 40-KM u jirta Afgooye ayay Ciidamada la wareegeen, iyagoo u sii gudbay Tuulada Bariire oo ilaa 25-KM dhanka galbeed ka xigta Afgooye, waxaana ay Ciidamada ku wajahan yihiin Tuulada Mubaarak oo ku dhow Bariire.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ay doonayaan inay isku xiraan deegaanada u dhaxeeya Afgooye iyo ilaa Janaale, waxaana howl galka uu u muuqda kii ugu ballaarnaa ee ku wajahan deegaanada Shabellaha Hoose.
Saraakiisha dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedkooda yahay in maalmaha soo socda ay gaaraan degmada Khoryooley iyo Buulo Mareer oo bishii la soo dhaafay ay howl gal ku qaadeen Ciidamada Kumandoska Faransiiska.
horayuw axa ay uga heysteen Gobolka Shabeelaha Hoose Degmada Afgooye,iyo wanla weyn haatana waxa ay la wareegeen Degmadii 3 ee Gobolkaasi oo ah Degmada Owdheegle iyo Deegaano cusub oo ay ka mid yihiin Janaale iyo bariire |