Nagala soo Xiriir



Latest Media
Warka-24-05-2013
[24-05-2013 22:52]
Warka-23-05-2013
[24-05-2013 03:12]
Warka-22-05-2013
[23-05-2013 00:18]
Warka-21-05-2013
[22-05-2013 04:38]
Warka-20-05-2013
[21-05-2013 03:04]
Warka-19-05-2013
[20-05-2013 00:28]
Warka-18-05-2013
[18-05-2013 23:03]
Warka-16-05-2013
[17-05-2013 03:04]
Warka-15-05-2013
[16-05-2013 02:53]
Warka-14-05-2013
[15-05-2013 01:21]

Ku Raadso waxaad Rabto

Seylici oo si diiran ugu soo dhaweeyay Hargeysa Siilaanyo oo ka soo Guryo Noqday Ingiriiska.
Seylici oo si diiran ugu soo dhaweeyay Hargeysa Siilaanyo oo ka soo Guryo Noqday Ingiriiska.
Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland M.d Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Dalka dib ugu soo labtay kadib sarkii uu dhawaan ugu KIcitimay Dalka Britain, safarkiisan ayey ku wehelinayeen wasiirka arrimaha dibada Maxamed C/laahi Cumar, Wasiirka qorshaynta Sacad Cali Shire iyo marwada madaxweynaha Aamino-waris Sh. Maxamuud Jirde,

Madaxweyna oo ay Garoonka diyaaaradaha Ee Cigaal International Airport ay ku soo dhaweeyeen Madaxweyne ku xigeenka J/S/lad C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxaam(CIRO) IYO Masuuliyiinkale oo ka tirsan Golaha wasiirada Hay’adaha Qaranka, ayaa qolka nasashada madaarka kula hadlayey warbaahinta kana warbixiyey safarkiisa waxaanu yidhi

“Mudadii aanu maqnayn waxaanu is leenahay danaha Qaranka ayaad ku maqnaydeen Dalka Igiriiska ayaa noogu culays weynaa halkaas oo aanu ku aragnay wasiirka Arimaha Debada Ee Ingiriiska oo aanu ka wada Hadalnay arimo dhawra oo ku saabsan wax wada qabsigii Dawlada Ingiriiska iyo ka dhaxaysay Somaliland ee dhinacyada badan lahaa haday tahay xaga dhaqaalaha hayd tahay xaga nabad galyada iyo haday tahay xaga siyaasada intabay”.

Dhinaca kale madaxweyne (SIILAANYO) Wuxuu ka dadlay fariintii ingriiska ee la xidhiidhay xaga AMNIGA Somaliland waxaanu yidhi “Woxaagaagii hawlihii nasoo dhexgayna waanu ka wada hadalnay ee mugdiga xaga nabad galyada galisay iyadana inaanu cidii hawlahaasi khusayso loo wada diro ee nabad galyada qaabilsan oo dib loogu noqdo oo la eego oo la darso ayaanu hawshaa iyada ah isla meel dhignay waxa kale oo aanu ka wada hadalnay sidii dhaqaalaha iyo wax qabadka kale ee inaga dhaxayn lahaa loo kordhin layaa taana balan qaadyo badan baanu ka samaynay”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu ka hadlay kulamo ay isaga iyo waftigiisu la yeesheen Jaaliyaada Reer Somaliland ee Dalka BRITAIN iyo shirkado ganacsi waxaana hadalkiisii kamida sidan “Waxa kale oo aanu la kulanay shacabka Reer Somaliland ee Halkaa jooga oo aanu shir u qabanay oo aanu uga waranay Dalka Xaaladiisa iyo waxa uu ku sugan yahay waxa kale oo anu la kulanay shirkado waaweyn oo ka shaqeeya dalka oo ay ka mid tahay shirkada Turkiga ah ee la yidhaa JIIRAAL oo la soo sheegay inay Dalka nabad galyo daraadeed uga baxayso taasina waxba kama jiraan diyaar bayna u tahay inay shaqadeeda qabsato iyadoo ku kalsoon nabad galyada Dalka ka jirta”

Mar ay waraahintu wax ka waydiisay shirka bisha may ee sanadkan lagu qabanayo Dalka Ingiriiska inay Somaliland ka qayb galayso iyo inkale ayaa Madaxweynuhu sheegay in shirkaasi lagu marti qaaday balse ay talo qaran ka yeelan doonaan waxaana uu yidhi, “Dawlad Ingiriisku waa nagu marti qaaday waxayna sheegtay in shirkaa sidii awalba sharafta lahayd ee la siin jiray la siindoono laakiin shirkaa wada tashigiisa iyo Arintiisa waa mid noo taala Arintaasina mid aanu ku dag-dayno maaha ee waa mid aanu talo qaran ka yelanayno”
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud SiilaanyoWuxuu shacabka reer Somaliland u soo jeediyey inay muujiyaan wadajirkooda isku duubnaantooda.

source wargeyska Waaheen
Tafatiraha on February 15 2013
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Random Media
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.