Nagala soo Xiriir



Latest Media
Warka-23-05-2013
[24-05-2013 03:12]
Warka-22-05-2013
[23-05-2013 00:18]
Warka-21-05-2013
[22-05-2013 04:38]
Warka-20-05-2013
[21-05-2013 03:04]
Warka-19-05-2013
[20-05-2013 00:28]
Warka-18-05-2013
[18-05-2013 23:03]
Warka-16-05-2013
[17-05-2013 03:04]
Warka-15-05-2013
[16-05-2013 02:53]
Warka-14-05-2013
[15-05-2013 01:21]
Warka-13-05-2013
[14-05-2013 02:35]

Ku Raadso waxaad Rabto

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in Xarakada Al-shabaab ay kula dagalaamayso Diyaaradaha iswada ee Drones
Dowladda Itoobiya oo shaacisay in Xarakada Al-shabaab ay kula dagalaamayso Diyaaradaha iswada ee Drones
Dowladda itoobiya ayaa sheegtay in dagaalka ay kula jirto Al-shabaab ay u adeegsan doonto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay markii ugu horreysay ku guuleysatay inay sameysato.

Saraakiil milateri oo Itoobiyaan ah ayaa sheegay in dowladdoodu ay muddo dheer la dhibaateysnayd hanjabaado kaga imaanaya Al-shabaab, kuwaasoo wax lagu yeelayo ammaanka dalkaas, balse ay haatan ka baxeen arrintaas.

“Kooxda ay dowladda Eritrea taageerto ee Al-shabaabta Soomaaliya, waxay dhowr jeer u soo direen Itoobiya fariimo hanjabaad ah oo ku wajahan ammaanka dalkeenna,” ayuu yiri sarkaal magaciisa qariyay oo la hadlay wargeyska Sudan Tribune ee kasoo baxa dalka Sudan.

Diyaaradahan aan duuliyaha lahayn oo noqnaya kuwii ugu horreeyay oo dal Afrikaan ah uu yeesho ayaa waxaa Itoobiya u sameeyay dowladda Israa’iil oo xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo.

Sidoo kale, saraakiisha Itoobiya u hadlay ayaa sheegay in diyaaradahan sidoo kale loo adeegsan doono ilaalinta xuduudaha uu dalkaas la wadaago, Soomaaliya, Ertirea, Sudan, Kenya iyo Koonfurta Suudaan, si aysan halkaas uga imaan khatar ammaankooda wax u dhimi karta.

Prof. Binyam Tekle oo wax ka dhiga jaamacad xukuumadda ayaa sheegay in diyaaradahan cusub ee ay Itoobiya sameysatay ay gacan ka geysanayaan horumarinta awoodda ciidan ee dalka Itoobiya.

Dalka Itoobiya ayaa dalka keliya ee Mareykanka uu kula heshiiyay inay ka siiso gacan dagaalka lagula jiro kooxaha islaamiyiinta ah ee ka dagaalama dalalka Yemen iyo Soomaaliya.

Tallaabadan ayay saraakiisha Itoobiya ku sheegeen mid lagu xoojinayo awoodda ciidan ee Itoobiya, iyadoo la ogyahay in Itoobiya ay gud ha dalka Soomaaliya kaga sugan yihiin ciidammo dagaal kula jira Al-shabaab.

Ugu dambeyn, saraakiisha milateri ee Itoobiya ayaa sheegay in xukuumaddu ay dhisayso awoodda ciidamada Itoobiya si ay isaga difaacaan weerarrada kaga imaanaya gudaha iyo dibadda Itoobiya.

Dalka Itoobiya ayaa lagu sheegaa inuu yahay dal ay awooddiisa dhinaca ciidamadu kor u socoto, waxaana xukuumaddu ay ku bixisaa dhaqaalaha ugu badan dhismaha awoodda ciidamada, gaar ahaan kuwa milateriga ah.
admin on February 16 2013
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Random Media
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.