 Sida uu saxaafada us heegay Afhayeenka Gobolka shabeelaha Dhexe Daauud Xaaji ciiro Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom ayaa la wareegay gacan ku heynta Garoonka Diyaaradaha ee degmada mahaadaay ee Gobolka shabeelaha Dhexe ka dib Markii ay ka qabsadeen Ciidamada xarakada Alshabaab oo Horay u joogay Halkaasi.
Mr.Ciiro waxa uu sheegay in ay ugu suurta gashay arintaan la wareegida Garoonkaasi ka dib martkii dhaqdhaqaaq Ciidan ay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom ka bilaabeen nawaaxiga Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka shabeelaha dhexe.
Afhayeenka Gobolka Shabeelaha dhexe Daauud Xaaji Ciiro waxa uus heegay in ciidamada Xarakada Alshababa ay isaga baxeen garoonka Diyaaradaha iyo Guud ahaan Degmada mahadaay ee Gobolka shabeelaha dhexe isla markana ay u baqo carareen meelo kale isagoo tilmamay in howlagalka ka dhanka ah Alshabaab ay siiw adi doonaan ilaa inta ay gacantooda soo galayaan Degmooyinka kale ee wali ku jira gacanta Xarakada Alshabaab |