 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta kulan la yeshay Eafdi ka socday Congareeska Mareykanka oo soo Gaaray Muqdisho
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maaxamuud ayaa ku qaabilay Garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho wafdi ka socday Congareska Mareykanka oo uu Hogaaminayay Mr Keith Ellison
Madaxweynaha ayaa warbixin ka siiyay wafdigaan ka yimid Gobolka Minasotta ee Wadanka Mareykanka Xaalada Dalku uu Marayo xiligaan
Mr Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay inay wafdgaan ka socday Gobolka Soomalaidu ku badan tahay ee Minasotta ay ka wada hadleen Xoojinta xiriirka labada Dowladood iyo sidii Mareykanku uga qeyb qaadan lahaa Xasilinta dalka Soomaaliya.
waa wafdigii ugu Horeeyay oo soomaaliya soo gaara kana socda Mareykanka Tan iyo Markii Mareykanku ku dhawaaqay Aqoonsiga Dowlada Federaalka Soomaaliya ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. |
on February 22 2013 15:04:53