Russia oo ku Qasaartay Guruub A,Poland oo Gurigeeda Ku hartay,Yaa ka soo Baxay Guruub A Euro 2012.....
Xulalka Czach Republic iyo Greeca ayaa ku soo Kala baxay Kaalimaha 1 iyo 2 ee Guruubka A Euro 2012 ka dib Markii ay Xalay uga Kala badiyeen min 1 iyo 0 Xulalka Poland oo ka mid ahaa Martigaliyaasha Euro 2012 iyo Russia.
Maamulka Khaatumo oo eedeyn U jeediyay maamulada Puntland vs Soomaaliland
Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha khaatumo State of Somalia Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ayaa Maamullada Somaliland iyo Puntland ku eedeeyey inay u soo midoobeen dagaal ay ku soo qaadeen deegaanno ay gacanta ku hayaan maamulka Khaatumo
Afhayeenka Alshabaab' Qaraxii aan ka Fulinay Afgooye sidii Loogu Talagalay Buu u dhacay,waana siiw adeynaa Weerarada iyo Qaraxyada..
Afhayeenka Xarakada Alshabaab aya sheegay in si wanaagsan uu u dhacay Howlagal qarax is nidaamin ah oo uu ka Fuliyay Afgooye Shalay mid ka Mida Xarakada Alshabab isagoo xusay in qaraxaasi lala beegsaday xarun hore u ahaan jirtay Madarisad Hadana ay deganyihiin Ciidanada PSta.
Dab La qabadsiiyay Daawo iyo Sharaab dhacay Gudaha Magaalada Hargeysa ee Xarunta Soomaaliland.
Howlgal ay Fulisay Wasaarada Caafimaadka Maamulka Soomaaliland ayey ku qabadsiisay Dab daawooyin iyo Sharaab dhacay oo laga Iibinayya Bulshada ku dhaqan Soomaalialnd waxaan wasaarada Caafimaadku Ku amaantay arintaasi sida Wanaagsan ee ay ula soo socodsiiyeen Dowlada Hoose ee Hargeysa oo ku Wargalisay waxyaabahaasi Dhacay ee dadweynaha laga Iibinayay.
Ciidamada DKMG ee fariisinkoodu Yahay Afgooye oo Fashliyay Maanta Gaari Laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa...
Wararka Naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay dhawaan la wareegeen Ciidamada Dowlada KMG iyo Kuwa Amisom ayaa sheegaya in Maanta Ciidamada Dowlada KMg ay Fashiliyeen Gaari siday walxaha Qarxa oo La doonayay in Gudaha degmadaasi Lagu Qarxiyo
Dastuurka Oo Maanta Loo Bandhigayo Culumaaudiinka,Waxgaradka iyo Odoyaasha Muqdisho Ku Nool
Sida ay sheegayaan wararka Dastuurkan ayaa ah kii dambe ee aan horay loo soo bandhigin, balse diyaarintiisa aheyd mid marxalado kala duwan soo martay, waxaana horay u horay u jiray buuq badan oo qabyo qoraalkii hore Dastuurka ahaa.
Ciidamada Burundi oo Toogtay Wiil dhagax Ku Tuuray Nawaaxiga Jaamacadii Gaheyr ee Muqdisho
Ciidamada Wadanka Burundi kana mida Kuwa Amisom ee kU sugan Gudaha Soomalaiya aaya la sheegay askari ka tirsan inuu Toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo dhagax Ku Tuuray Nawaaxiga Jaamacada Gaheyr ee Muqdisho.
wiilka la toogtay ayaa la sheegay Markii dhagaxa uu Tuuray in Rasaas lagu Jawabay isla markaana uu Goobtii ku Geeryooday mana jiraan wax war ah oo ak soo baxay dhinaca Ciidmada amisom iyo Dowlada KMG lana xiririra dhacdadan.
Ururka Ahlu suna Waljamaaca oo ka Hadlay Sababihii ay uga soo baxeen Degmada Ceelbuure e Gobolka Galgaduud.
Ururka ahlu suna Waljameeca oo Ka arimiya Degaano ka Tirsan Galgaduud ayaa ka hadalay sababihii ay uag Baxeen Degmada Ceelbuue ee Gobolka Galgaduud oo Alshabab u ahaan jiray Markii ay heysteen Saldhigooda ugu weyn ee Gobolka Galgaduud.
Afhayeenka Howlgalada Alshabaab Abuu Muscab ayaa sheegay in Ciidamo ka kala socda Siralyoon iyo Itoobiyaan ay Jidka U Galeen Meel u dhow Deegaanka Yurkud isla Markaana ay Gaarsiiyeen Qasaarooyin kala duwan oo isagu Jiray dhimasho iyo dhaawac labadaba sidoo kalna ay ka Gubeen dhowr tikniko ah
Wiil dhalinyaro ah oo Xalay Lagu dilay Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.
Kooxo Hubeysan ayaa Xalay ku Toogtay Banaanka ka soo horjeeda ex baar caasho oo u dhaw Isgoska baar ubax ee degmada Howlwadag ee Gobolak banaadir Nin dhalinyaro ah oo deganaa Xaafadaasi laguna Magacaabi Jiray cabdi yare.
Kooxaah Dilka Geystay ayaa la sheegay inay Baxsadeen mana jirto cid qabatay iyadoo marxuumkana ay Meydkiisa ka qaaden halkii lagu dilay
Shacabka Ku dhaqan deegaanada Somaliland ayaa 21kii sano aynu soo dhaafnay waxa ay ku riyoonayeen in ay mar uun maqli doonaan in maamulkooda uu beesha caalamka ka helay aqoonsi caalami ah,balse hadda waxaa u cadaatay oo ay kusoo baraarugeen in aysan soo muuqan riyadoodaasi.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka waramay Qarax xoogan oo ka dhacay guri Ku yaala Degmada Howlwadaag ee Muqdisho
Afhayeenka Ciidamada Booliska ahna Taliyaha Hogaanka dambi Baarista Jen. C/llaahi Xasan Bariise ayaa saxaafada uga Warbixiyay Qarax ka dhacay Guri KU Yaala Degmada Howlwadaag ee Gobolka banaadir kaasoo la sheegay inuu ku qarxay Nin Ka Tirsanaa Xoogaga Alshabaab iyo Xaaskiisa oo ay ku wada sugnaayeen Guriga Xiligii qaraxu dhacay.