Madaxweynaha DKMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Gaaray Magaalada New York ee Dalka Mareykanka Halkaasoo uu kaga qeybgali doono........
Madaxweynha Dowlada KMG ee Soomaaliya sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu Hogaaminayay ayaa Gaaray Magaalada New York ee cariga Mareykanka Halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Dowlada KMG oo waqti ugu dartay Dhowr cisho ah Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee shirku uga socdo Muqdisho
In Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee sahirku Uga soconayao magaalada Muqdisho ayana Gaba gabo ku dhowdahay Mudadii ay ku diyaarin lahaayeen soo xulida eragada ansixinaysa Dastuurka loo sameynayo Dalak Soomaaliya ayaa Dowlada KMG ugu dartay waqti ay ku soo diyaariyaan ergada laga sugayo.
Cidamada Booliska Soomaaliland oo shalay Xiray Xildhibaan ka Tirsanaa DKMG ee Soomaaliya oo Hargeysa ku soo Galay Cafis uu u Fidiyay Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Silaanyo
Ciidamadda Booliiska Madaarka Hargeysa ayaa shalay Xidhay Xildhibaan Muxyadiin Aw Cali oo ka tirsanaan jiray Baarlamaanka Somaliya hase yeeshee Somaliland ku yimid Cafis Madaxweyne Siilaanyo siiyay bishii April dabayaaqadeedii
ENG Faysal Cali Waraabe oo sheegay In Maamulo iyo Madax Isku Awood ah ay wadaan Shirka Odoyaasha Dhaqanka Soomaliyed uga soconaya Muqdisho,waxa una ka mujiyay shirkaasi rajo Beel Soomaaliyeed iyo na
Guddoomiyaha Xisbiga ‘’UCID’’ ee Soomaaliland Eng Feysal Cali Waraabe oo kula hadllayay warfaafinta ayaa soo hadal qaaday shirka ka soconaya magaalada Muqdisho oo ay leeyihiin odayaasha dhaqan-ka beelaha Soomaaliyeed.
Maxkamada Darajada 1 ee Gobolka Bari oo Siyaasi Caan ka ah Puntland ku Xukuntay Dil Toogasho ah ka dib Markii uu Degmada Caluula ee Gobolka Bari kaga dhawaaqay Maamul
Wasirkii Hore ee Ganacsiga Maamul Goboleedka Puntland Faarax Maxamuud Yuusuf' Deexojoog' ayaa Maxkamada Darajada 1ee Gobolka Bari ay ku xukuntay Dil Toogasho ah isagoo Maqan iyado Maxkamadu ay amartay in Marka la qabto lagu Fuliyo Dilkaasi.
Dagaal Gacmaha La iskula Tagay oo Xalay Ka dhacay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ka dib Marki Alshabab ay sameeyeen Rogaal celin Lagu hoobtay....
Xarakada Wilaayada Alshabaab ayaa Xalay weerar Ku soo Qaaday Degmada Deynile ee Gobolka Banaadir oo Fariisin u ah Dowlada KMG iyo Amisom,waxaana Weerarkoodii uu isku Badalay Dagaal; labo dhinac ah oo Geystay Qasaarooyin kala duwan.
Dr Cali Khaliif Galeydh oo ka mid ahaa Siyaasiyiinti Aaas aastay Maamulka Khaatumo 2 ayaa soo Gaaray Muqdisho....
Ra'iisul Wasaarihii Xukumadi Carta Lagu soo dhisay uuna Madaxda ka aaha Drt Cabdi Qaasim Salaad Xasan Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa si diran Loogu soo dhaweeyay Muqdisho ka dib marki u ka yimid Magaalada Neyroobi ee Dalak Kenya oo Mudooyinki UGu Dambeeya u ku sugnaa.
Dowlada KMG ee Soomaaliya oo wax lala Yaabo ku Tilmaantay Hadalka ka soo yeeray Puntland kuna diideen Ansaxinta Dastuurka Soomaaliya ay yeelaneyso
Xasan Maxamed Jimcaale Wasiiru Dowlaha Dastuurka ayaa sheegay inay kala hadli doonaan qodobada ay ka soo horjeedaan ee Dastuurka, isagoo xusay in Puntland shirka Odayaasha ay uga qeyb galayaan ergooyin matala.
Qarax Xalay lala eeegtay Ciidamo ka Tirsan Dowlada KMG oo Fariisinkoodu ahaa Xaafada Baar Ubax ee Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegayaan wararka qaraxa Bambaanada ayaa lagu tuuray meel ay fadhiyeen Ciidamada, halkaas oo ay ammaanka ka sugayeen, waxaana qaraxa kadib ay Ciidamada ay rideen rasaas.
Maamulka Galmudug oo sheegay in Ciidamo Ka tirsan Alshabaab ay gudaha u soo galeen Deegaano hoos taga Maamulkaasi
Wasiirka amniga ee Galmudug Abshir Diini ayaa u sheegay warbaahinta in hoggaamiye katirsan Al shabaab iyo dagaaalyahano uu wato oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ay soo gaareen deegaano kamid ah koonfurta gobolka Mudug.
Afhayeenkii Gobolka Banaadir Maxamed Cabdulaahi Cariig oo Xilka Laga qaaday ka dib Markii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu soo saaray Wareegto xil ak qaadis ah..
Wareegto ka soo baxday xafiiska Gudoomiyaha Gobolka banaadir Mr Tarsan ayaa lagu sheegay in Xilgudasho la’aan kadib uu Xilkii ka qaaday Gudoomiyaha Gobolka banaadir afhayeenka Gobolka banaadir Maxamed Cabdulaahi Cariig oo Horay uga mid ahaan jiray Suxuufiyiinta Ku dhaqan Muqdisho.
Gaari Xamuul siday oo Lagu Rasaaseeyay deegaanka Filla Dheere oo ka Tirsan Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelada dhexe.
3 qof aaya la sheegay inay ku geryoodeen,tira kalana ay kud haawacmeen ka dib markii Dabley hubeysan ay Jidka u galeen gaari Xamuu siday kuna Rasaaseeyeen Halak Lagu magacabaao Fiilo dheere oo ka tirsan Degmada warsheekh.
Ugaas Dhaqameed ka soo jeeda Beesha Sade Daarood oo Taageersan Siyaasada Alshabaab ayaa ka digay in Odoyaasha Dhaqanku ansixiyaan dastuurka Soomalaiya loo Sameynayo
Ugaas Maxamed C/weli Sheekh Axmed Nuur oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo jooga degmada Baardheere ayaa baaq u jeediyey Odayaasha dhaqanka ee shirka uga socdo magaalada Muqdisho, kuwaasoo qorshuhu yahay inay soo xulaan ergooyin ansixiya dastuuka qabyo qoraalka oo uu muran badani ka Taagan yahay qodobadiisa.
Xukuumada Soomaaliland oo Ka hadashay Diyaar Garowgeeda ku aadan 21 Guurada ka soo wareegtay Gooni Isku taaga Soomaaliland ( 18 Mey 1991- 18 Mey 2012)
Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxda ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud' Siilaanyo' ayaa Ka hadashay Markii Ugu Horeysay Diyaargarowgeeda kuaadan Munaasabada 18 Mey 2012 oo ku beegan 21 Guuradii ka soo wareegtay Gooni isku taagii Maamulka Soomalailand ay ka goeen Soomaaliya inteeda kale.
Maamul Goboleedka Puntland oo Ka biyo diiday Dastuurka qabyo Qoraaleedka Loo Sameynayo Soomaaliya iyo habka Xuluda ergooyinka
Warqad ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa lagu sheegay in Dastuurkaasi uu yahay mid aan Soomaaliya lagu dhiqi karin laheyna qaabkii dastuur Federal ah uu lahaan lahaa.