Haweeneey Lagu dilay Gudaha Garoowe ka dib markii askari ay lacag ku laheyd uu Qaarajiyay shalay galab.
Askari ka Tirsan Ciidanka Puntland ee ku sugan Xarunta Maamul Goboleedka Puntland ee Garoowe ayaa shalay galab ku dilay Garoowe Marxuumad la oran jiray Qaali Jabuuti.Taasoo als ehegay ionay ku laheyd Lacago deyn ah.
Qarax Xalay ka dhacay masaajid ku Yaala Degmada Xamar Jabjab ee Gobolka Banaadir...........
Qarax ayaa xalay ka dhacay Gudaha Masaajidka Sheekh Aweys ee ku yaala agagaarka ex Ceelgaab ee degmada Xamar jabjab,waxaana qaraxaasi oo ahaa bambo gacmeed watay nin ka mid ahaa dadkii ku dhex jiray Masaajidka.
Afhayeenka beesha Mareexaan ee shirka kismaayo oo eedeyn kulul u jeediyay siyaasiga Cumar cabdirashiid Cali Sharmarke.
Afhayeenka Beesha Mareexaan ee shirka Kismaayo Nabadoon Axmed Maxamed xasan oo Maanta u waramayay Idaacada shabeele ee Magaalada Muqdisho ayaa eedeyn kulul waxa uu u jeediyay siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo hore u ahaa raisulwasaarihii ugu Horeeyay Dowladii KKMG ee sheekh shariif Sheekh Axmed Hogaaminayayw axa uuna sheegay inuu doonayo inuu iibsado bada Soomaaliya wa asida uu hadalka u dhigaye.
Afhayeenka Alshabaab oo sheegay in Britain aysan Waxba ka qaban karin Xaalada Soomaaliya horayna ay u dagaalameen Soomaaliya
Afhayeenka Alshabaab sheekh cali dheere oo la hadlay Idaacada taageerta Kooxda xarakada Alshabaab ee lagu magacaabo Andalus ayaa sheegay in Britain aysan waxba ka qaban karin xaalada dalka Soomaaliya.horayna ay Soomaaliya u dagashanayeen,waxaana uu xusay in sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Koofi oo ingiriiska watay uu dagaal qaraar Hore u dhexmaray.
Odoyaal Maanta ka carooday Shirka Kismaayo ,isagana baxay Shirkaasi
Qaar ka mida odoyaasha ka qeyb galayay shirka kismaayo ayaa la sheegay inay qaadaceen shirka isagana baxeen ka dib Markii ay ka xumaadeen saami qeybsiga beelaha dega jubooyinka iyo Gedo.
Afhayeenka Shirka Kismaayo oo beniyay in shirka ay ka baxeen Ergooyin fara badan
Cabdi Naasir Guure oo ah afhayenka Shirka Jubland ee ka socda Kismaayo aaya si kulul u beeniyay wararka sheegaya in qaar ka tirsan Ergooyinka shirkaasi ay ka huleeleen Shirka kismaayo,waxaana uu afhayeenku arintaasi ku tilmamay Wax kama jiraan.
Qaramada Midoobay oo war saxaafadeed ka soo saartay Ciidamadii Amisom uga le atay Gudaha Wadanka Soomalaiya mudadii ay ka howlgalayeen.
Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaaday in kumanaan askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM lagu dilay Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2007-dii, xilligaasoo uu bilowday howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika.
Amsiom oo Maanta ka guurtay Guryo dad shacab ahi lahaayeen kuna yiilay Degmada Warta Nabada ee G. Banaadir
Ciidmaada Amisom ayaa Maanta Baneeyay dhismayaal ay hore u daganaayeen sanooyinkii la soo dhaafay oo ay leeyihiin dad rayid ah kuna yiilay Xaafada xamar jadiid ee degmada Warta Nabada ee Magaalada Muqdisho
Raashin loo siday Gobolka shabeelaha Hoose oo la dhaci Rabay vs Gudoomiyaha Gobolka oo beeniyay inuu ku lug lahaa............
Raashin Mucaawino ah oo loo siday gobolka shabeelaha hoose ayaa u qeybsanaha dhinaca Mucaawinooyinka Gobolkaasi Yuusuf Maxamed Cabdi uu shegay inay qabteen Saaka Kaasoo ku rarnaa Gaadiid fara badan lana doonayya in la dhaco isagoo ku eedeeyay gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Cabdulqaadir Siidii Maxamed inuu ka dambeeyay arintaasi.
Ma’ogtahay in Film Cusub Oo Laga Sameeyay Burcad Badeeda Soomaaliyeed uu soobaxayo dhowaan “Daawo qaybka mid ah”
Shirkada filimada sameysa ee Mareeykanka Columbia Pictures ayaa soo bandhigtay filim si qurux badan loo sameeyay oo ku saabsan burcad badeeda Soomaaliya.